Monday, June 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 weeks ago
in Wararka
0
Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa hambalyo u dirtay dhammaan xubnaha loo doortay Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiirku waxay sidoo kale hambalyo u dirtay shacabka Koonfur Galbeed sida nabdoon, hufan, iyo habsami leh ee ay uga qeyb qaateen doorashada qof iyo codka ah ee ka dhacday deegaannada maamulkaas.

Related posts

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

June 15, 2026
Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

June 15, 2026

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka waxay markasta u taagan tahay ilaalinta iyo u qareemidda xuquuqda haweenka iyo dadka naafada ah, gaar ahaan xaqooda ka qeybgalka siyaasadda iyo doorashooyinka dalka. Wasaaraddu waxay adkeyneysaa muhiimmadda ay leedahay ilaalinta qoondada 30% ee haweenka iyo 5% ee dadka naafada ah ee kuraasta la isu doorto iyo kuwa la magacaabo.

Wasiirka ayaa xustay in Sharciga Doorashooyinka Dalka iyo Sharciga Xisbiyada Siyaasadeed ay si cad u dammaanad qaadayaan qoondada haweenka ee 30% ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada, iyadoo sidoo kale muhiimad gaar ah la siinayo xaqiijinta matalaadda dadka naafada ah.

Iyadoo Wasaaraddu masuul ka tahay ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda haweenka iyo dadka naafada ah, waxay mar kale adkeyneysaa muhiimmadda ay leedahay in labada kooxoodba ay door muuqda ku yeeshaan hoggaanka, siyaasadda, iyo go’aan gaarista dalka.

Waxaa muhiim ah in la xuso in haweenku ay yihiin qeybta ugu badan bulshada Soomaaliyeed, halka dadka naafada ahna ay yihiin qeyb muhiim ah oo u baahan matalaad dhab ah si codkooda iyo danahooda loogu daro heerarka kala duwan ee hoggaaminta iyo dowladnimada.

Wasiirka ayaa ugu baaqday Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, iyo sidoo kale hoggaanka xisbiyada siyaasadeed, inay si buuxda u ilaaliyaan qoondada haweenka ee 30% iyo qoondada dadka naafada ah ee 5%.

Inkastoo Wasaaraddu ay soo dhoweysay sida habsami leh ee doorashadu uga dhacday deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya, haddana waxaa muuqatay in aan si buuxda loo xaqiijin xuquuqda ka qeybgalka haweenka iyo dadka naafada ah.

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed wuxuu ka kooban yahay 94 xubnood:

Haween: 16 xubnood (17%)

Rag: 78 xubnood (83%)

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa ku dhiirrigelisay haweenka iyo dadka naafada ah inay si firfircoon uga qeyb qaataan doorashooyinka dalka ka socda. Waxay sidoo kale ugu baaqday guddiyada doorashooyinka iyo xisbiyada siyaasadeed inay tixgeliyaan xuquuqda haweenka iyo dadka naafada ah, isla markaana la xoojiyo ka qeybgalka siyaasadeed ee loo siman yahay.

Horumarka waara iyo dowlad-dhiska Soomaaliya waxaa lagu xaqiijin karaa marka dhammaan qeybaha bulshada Soomaaliyeed ay helaan fursad loo siman yahay oo ku aaddan hoggaanka, go’aan qaadashada, iyo hannaanka dowladnimo.

Previous Post

GMXIQ oo walaac ka muujiyay dhacdadii ka dhacday deegaanka Digta Margoos ee gobolka Jubbada Hoose

Next Post

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

Next Post
Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

June 15, 2026
0

AMNIGA • Xoreynta deegaanno iyo magaalooyin ka badan 120 oo horay uga maqnaa gacanta dowladda. • Xaqiijinta amniga caasimadda Muqdisho....

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

June 15, 2026
0

Muqdisho – Waxaa maanta si rasmi ah loo daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir, Sanad-dugsiyeedka 2025–2026,...

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

June 14, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Guud...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Gamacsato iyo Maalgashadayaal ka socda Talyaaniga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Gamacsato iyo Maalgashadayaal ka socda Talyaaniga

June 14, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi ganacsato iyo maalgashadayaal ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In