Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo booqday safaaradda Soomaaliya ee Masar “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
September 7, 2021
in Wararka
0
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo booqday safaaradda Soomaaliya ee Masar “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo socdaal shaqo ku jooga Dalka Masar ayaa booqday safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku taal Magaalada Qaahira.

Safiirka Soomaaliya ee Masar ahna Wakiilka joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Ilyaas Sheekh Cumar iyo diblumaasiyiinta ayaa ku soo dhaweeyay Wasiirka xarunta Safaaradda.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

“Wasiir ku soo dhawoow gurigaaga, anniga iyo diblumaasiyiintuba waxaan xoogga saarnay xaruntan inay muujiso doorkeedii,iyadoo la xoojinayo iskaashiga iyo xiriirka labada dal.” ayuu yiri Danjire Ilyaan Sheekh Cumar.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , Mudane Cabdiwahaab Ugaas ayaa boggaadiyay dhankiisa howlaha muuqda ee Safaaradda ay u heyso qaranka, wuxuu sheegay in Safaaradda Qaahira ay tusaale u tahay dib usoo kabashada dalka.

“ Waxaan halkan sheegi kara inan ku arkay Safiir iyo diblumaasiyiin muujiyay doorkoodii, waxaan idin kaga mahadcelinayaa  sida aad u dhowrteen qarankiina dib-u-dhiskiisa iyo hannaanka wanaagsan ee shaqada ay ku socoto ayaan sidoo kale ku boggaadin Safiirka.” ayuu yiri Wasiir Cabdiwahaab.

“ Waxaa nasiib ah in loo shaqeeyo Qaranka waa fursad uusan qof walba haleeli karin, dhinaca Wanaagsan fursadaa aan uga faa’iideysano.” ayuu ku daray.

Wasiir Cabdiwahaab Ugaas Xuseen ayaa u jooga Dalka Masar ka qeybgalka shir weynaha 47aad ee Shaqaalaha waddamada Carabta, kaaso sii soconaya tan iyo dabayaaqada toddobaadkan.

Previous Post

Duqa Caasimadda oo Kulan la qaatay Madaxda Dugsiyada Gobolka Banaadir

Next Post

Minister of work visit Somali embassy in Cairo

Next Post
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo booqday safaaradda Soomaaliya ee Masar “SAWIRRO”

Minister of work visit Somali embassy in Cairo

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In