Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo hambalyo u diray shaqaalaha Soomaaliyeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo hambalyo u diray shaqaalaha Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Sadiq Xirsi Warfa ayaa shaqaalaha Soomaaliyeed uga hambalyeeyay maalinta shaqaalaha adduunka 1-da bisha May oo ku aadday Jimcaha berri ah.

“Waxaan aad uga xunnahay in Sannadkan 2020 aysan suurtogal inoo ahayn inaan isku soo baxyo iyo kulamo isugu nimaano aan ku waynaynayo maalintaas qiimaha badan u leh shaqaalaha Soomaaliyeed sababo la xiriira Caabuqa COVID-19.Maalinta 1da May waxaa dunidda looga dabaaldegayaa in lagu xasuusto looguna mahad-naqo doorka wax ku-oolka ah iyo guulaha ay shaqaalaha u soo hooyaan horumarrada bulsho iyo dhaqaale ee dal kasta. Waa maalin ay dareemayaan in la xushmaynayo shaqada ay hayaan, waana mid lagu dhiirri-gelinayo looguna sheegayo in baahiyahooda iyo xuquuqdoodaba lagu dadaalayo in la daboolo.” ayuu yiri Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

“Waa u muhiim shaqaalaha Soomaaliyeed inaan ammaano hawlkar-nimadooda iyo waxtarkooda bulshada Soomaaliyeed. Waan la wada soconaa duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan, waxaana Dawladda Federaalka Soomaaliyeed u guntatay sidii loo hagaajin lahaa xaaladaha shaqaalaha Soomaaliyeed.” ayuu ku daray.

Mudane Sadiq Warfa,  ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inay ka go’antahay horumarinta shaqaalaha, isagoo caddeeyay in dowladda ay ku guulaysatay joogtaynta mushaaraadka Shaqaalaha dawladda, kuwaasoo si hufan u guta hawl- maalmeedkooda. Waxaa kalo uu xaqiijiyay Fayruuska COVID-19 ee dunidda sida aadka u daran u saameeyay inuu dalka ku yeeshay saamayn dhaqaale iyo bulsho, iyadoo faafiddiisuna weli sii socoto.

“Guud ahaan cudurkani COVID-19 wuxuu saamayn daran ku yeeshay suuqyada shaqada, iyadoo shaqo la’aanta, oo awalba aad u darnayd, uu haddana uga sii daray.Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay diyaarisay qorshayaal lagu caawinayo dadka aad u nugul ee uu saameeyay caabuqa COVID-19, sidoo kalena lagu xoojiyo u adkaysiga bulshadeena ee saamaynta cudurkan. Waxay sidoo kale Dawladdu diyaarisay qorshayaal dib loogu horumarinayo dhaqaalaha dalka kaddib Caabuqa COVID-19, iyadoo shaqo abuur loo samaynayo dhallinyarada iyo haweenka Soomaaliyeed, laguna taageerayo ganacsiyada gaarka loo leeyahay.” ayuu raaciyay.

Gabagabadii, Wasiirka ayaa ugu baaqay loo shaqeeyaasha inay dhowraan xaquuqda shaqaalaha gaarka ah, xilligan adag ee lagu jiro. Isagoo sidoo kale dhammaan bulshada Soomaaliya usoo jeediyay inay caawiyaan kuwa nugul si wadajir loogu guuleysto fayruska COVID-19.

Previous Post

Wasaaradda Awqaafta XFS oo deeq Raashin ah uqeybisay Macalimiinta iyo Imaamyada Muqdisho+Sawirro

Next Post

Madaxweynaha Puntland Oo Kulan La Yeeshay Nabadoonada iyo Waxgaradka Qardho “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Puntland Oo Kulan La Yeeshay Nabadoonada iyo Waxgaradka Qardho “SAWIRRO”

Madaxweynaha Puntland Oo Kulan La Yeeshay Nabadoonada iyo Waxgaradka Qardho “SAWIRRO”

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In