Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo hambalyo u diray shaqaalaha Soomaaliyeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo hambalyo u diray shaqaalaha Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Sadiq Xirsi Warfa ayaa shaqaalaha Soomaaliyeed uga hambalyeeyay maalinta shaqaalaha adduunka 1-da bisha May oo ku aadday Jimcaha berri ah.

“Waxaan aad uga xunnahay in Sannadkan 2020 aysan suurtogal inoo ahayn inaan isku soo baxyo iyo kulamo isugu nimaano aan ku waynaynayo maalintaas qiimaha badan u leh shaqaalaha Soomaaliyeed sababo la xiriira Caabuqa COVID-19.Maalinta 1da May waxaa dunidda looga dabaaldegayaa in lagu xasuusto looguna mahad-naqo doorka wax ku-oolka ah iyo guulaha ay shaqaalaha u soo hooyaan horumarrada bulsho iyo dhaqaale ee dal kasta. Waa maalin ay dareemayaan in la xushmaynayo shaqada ay hayaan, waana mid lagu dhiirri-gelinayo looguna sheegayo in baahiyahooda iyo xuquuqdoodaba lagu dadaalayo in la daboolo.” ayuu yiri Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Related posts

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026

“Waa u muhiim shaqaalaha Soomaaliyeed inaan ammaano hawlkar-nimadooda iyo waxtarkooda bulshada Soomaaliyeed. Waan la wada soconaa duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan, waxaana Dawladda Federaalka Soomaaliyeed u guntatay sidii loo hagaajin lahaa xaaladaha shaqaalaha Soomaaliyeed.” ayuu ku daray.

Mudane Sadiq Warfa,  ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inay ka go’antahay horumarinta shaqaalaha, isagoo caddeeyay in dowladda ay ku guulaysatay joogtaynta mushaaraadka Shaqaalaha dawladda, kuwaasoo si hufan u guta hawl- maalmeedkooda. Waxaa kalo uu xaqiijiyay Fayruuska COVID-19 ee dunidda sida aadka u daran u saameeyay inuu dalka ku yeeshay saamayn dhaqaale iyo bulsho, iyadoo faafiddiisuna weli sii socoto.

“Guud ahaan cudurkani COVID-19 wuxuu saamayn daran ku yeeshay suuqyada shaqada, iyadoo shaqo la’aanta, oo awalba aad u darnayd, uu haddana uga sii daray.Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay diyaarisay qorshayaal lagu caawinayo dadka aad u nugul ee uu saameeyay caabuqa COVID-19, sidoo kalena lagu xoojiyo u adkaysiga bulshadeena ee saamaynta cudurkan. Waxay sidoo kale Dawladdu diyaarisay qorshayaal dib loogu horumarinayo dhaqaalaha dalka kaddib Caabuqa COVID-19, iyadoo shaqo abuur loo samaynayo dhallinyarada iyo haweenka Soomaaliyeed, laguna taageerayo ganacsiyada gaarka loo leeyahay.” ayuu raaciyay.

Gabagabadii, Wasiirka ayaa ugu baaqay loo shaqeeyaasha inay dhowraan xaquuqda shaqaalaha gaarka ah, xilligan adag ee lagu jiro. Isagoo sidoo kale dhammaan bulshada Soomaaliya usoo jeediyay inay caawiyaan kuwa nugul si wadajir loogu guuleysto fayruska COVID-19.

Previous Post

Wasaaradda Awqaafta XFS oo deeq Raashin ah uqeybisay Macalimiinta iyo Imaamyada Muqdisho+Sawirro

Next Post

Madaxweynaha Puntland Oo Kulan La Yeeshay Nabadoonada iyo Waxgaradka Qardho “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Puntland Oo Kulan La Yeeshay Nabadoonada iyo Waxgaradka Qardho “SAWIRRO”

Madaxweynaha Puntland Oo Kulan La Yeeshay Nabadoonada iyo Waxgaradka Qardho “SAWIRRO”

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta heshiis Is-afgarad la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan mira dhal ah la...

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay kulan hawleed...

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

March 29, 2026
0

Somali National Security Forces, conducting operations against Kharijites militants, successfully cleared roadblocks set up by the terrorists in Daynunay area...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In