Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo ardayda Soomaaliyeed ee Kampala uga warbixiyay Xaalada dalka+Sawirro

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo ardayda Soomaaliyeed ee Kampala uga warbixiyay Xaalada dalka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan ay soo qaban qaabiyeen rugta qorayaasha Soomaaliyeed ee dalka Uganda ayaa marti waxaa ku ahaa wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada, mudane Sadiiq Xirsi Warfaa sidoo kalena waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka kuxigeenka Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka, Guddoomiyaha degmada Marko, Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur),aqoonyahanada Soomaaliyeed, guddoomiyaasha Jaamacadaha iyo marti sharaf kale.

Xildhibaan Sadiiq Xirsi Warfaa Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Khudbad qiimo badan ka jeediyay Munaasabadda ayaa ardayda uga sheekeeyay xaalada dalka si guud,fursadaha Aqoonyahanka u bananaan xilligaan iyo Hormarka aay Dowladda Soomaaliya ku tilaabsatay.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Wasiirka oo la hadlayay ardayda wax ka barata dalka Uganda ayaa sheegay in dayn cafinta ay meel wanaagsan mareyso, isagoo carrabka ku adkeeyay in waqti badan Xukuumaddu ay gelisay arrinta dayn cafinta si dalku u gaaro horumaro dhanka Maaliyadda ah.

Dhankooda Rugta qorayaasha Soomaaliyeed ee dalka Uganda ayaa siihayaha safaaradda Soomaaliya ee Uganda uga mahadceliyay garabsiinta ardayda Soomaaliyeed iyo sida ay uga shaqeeyaan in ardaydu ay kulamo la qaadato madaxda dalka Uganda u timaada howlaha shaqo, iyagoo Wasiir Warfaa iyo masuuliyiinta kale ku amaanay shaqada wanaagsan ee ay Qaranka u hayaan.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maalmahan magaalada Kampala u jooga shir uu ugu qayb galayay oo looga hadlayay arrimaha shaqaalaha iyo xuquuqdooda, isagoona sidoo kale kulamo la qaatay qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee Kampala ku nool.

 

Previous Post

Wasaaradaha Howlaha Guud ee DFS & kuwa D/gobaleedyada oo shir muhiim ah uga socda Muqdisho

Next Post

Maxkamadda CQS oo xukun xabsi ah ku ridday mas’uul ka tirsanaa maamulka Gobolka Banaadir

Next Post
Maxkamadda CQS oo xukun xabsi ah ku ridday mas’uul ka tirsanaa maamulka Gobolka Banaadir

Maxkamadda CQS oo xukun xabsi ah ku ridday mas’uul ka tirsanaa maamulka Gobolka Banaadir

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In