Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo Shacabka Galdogob la qeybsaday Damaashaadka Ciidda+sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo Shacabka Galdogob la qeybsaday Damaashaadka Ciidda+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa oo ku sugan magaalada Galdogob ee Gobolka Mudug ayaa farxadda Ciida la qeybsaday bulshada ku dhaqan degmadaasi.

Wasiir Warfaa , ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo ummadda Muslimiinta ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda Carafo,wuxuuna bulshada degmada Galdogob iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed ugu baaqay midnimo iyo wadajir ah in looga shaqeeyo sidii uu dalka usoo kaban lahaa.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026

“Waxaan go’aansaday inan fasaxa Ciidda uga faa’iideysto inan waqti la soo qaato dadka iyo deegaanka aan ku matalo dowladda dhexe ee gobolka Mudug, waxaan aad idin kugu boorrinaya midnimo iyo wadajir.. waxaan doonaya inan ugu baaqo qof walba doorka uu leeyahay inuu ka qaato dadaalka dib loogu dhisayo dalkeenna.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa.

Wasiirka ayaa ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay inay sannadkan sannadkiisa ku gaaraan horumar, wuxuuna inta kaddib socod lug ah ku maray qaybo ka mid ah degmada Galdogob, isagoo booqday goobaha nasashada iyo dalxiiska loo tago ee degmada, halkaa oo uu hadallo dhiirrigalin iyo marxabeyn ah kula wadaagay qaybaha bulshada ee degmada oo dhallinyarada ay ugu horreeyaan.

Inta uu joogo magaaladaaso Galdogob wuxuu kulamo wada tashi ah la yeelandoonaa waxgaradka iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada,isagoona u kuurgalaya xaaladdda bulshada deegaankaasi oo ah deegaan doorashadiisa.

Previous Post

Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo dib u furaya Isbitaalka degmada Aw-dheegle

Next Post

Madaxweynaha K/Galbeed oo Magacaabey Guddi u Xil-saran Baarista dhacdadii 9kii Bishan August 2019 ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Next Post
Madaxweynaha K/Galbeed oo Magacaabey Guddi u Xil-saran Baarista dhacdadii 9kii Bishan August 2019 ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha K/Galbeed oo Magacaabey Guddi u Xil-saran Baarista dhacdadii 9kii Bishan August 2019 ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In