Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Shaqada Soomaaliya” waxaan ugu yeernay maal-gashadayaasha Qatar inay sahmiyaan fursadaha maalgashi ee Soomaaliya”

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Shaqada Soomaaliya” waxaan ugu yeernay maal-gashadayaasha  Qatar inay sahmiyaan fursadaha maalgashi ee Soomaaliya”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa oo booqasho rasmi ah toddobaadkan u tagey dalka Qatar ayaa ugu yeeray maal-gashadayaasha  Qatar inay sahmiyaan fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, kaddib kulan uu Arbacadii  Dooxa kula qaatay guddoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Qatar.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo sida ay xukuumadda iyo maal-gashadayaasha Qatar ay door muuqda ugu yeelan lahaayeen jawiga maalgashi ee Soomaaliya,iyadoo kulanka uu goobjoog u ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar,Cabdirisaaq Faarax Cali.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Rugta Ganacsiga Qatar,Maxamed bin Axmed bin Towar Al Kuwari ayaa sheegay in shirakaddaha gaarka loo leeyahay ee dalka Qatar ay danaynayaan in la xoojiyo iskaashiga labada dal iyo in la aasaaso iskaashi shirkaddo la wada leeyahay oo dan u ah labada dhinac.

Waxaa kaloo uu hoosta ka xariiqay in shirkaddaha gaarka loo leeyahay ay Soomaaliya ka fulin doonaan mashaariic ballaaraan kuwaasi oo dib loogu dhisayo dalka, isagoo inta ku daray inay qaadan doonaan shaqaale Soomaali ah ,kuwaasi oo fursaddo shaqo ka heli doona dalka Qatar.

Dhankiisa, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Sadiiq Warfaa ayaa boggaadiyay iskaashiga dhow ay Qatar la leedahay dowladda Soomaaliya,wuxuuna caddeeyay in ujeeddada socdaalkiisa Qatar uu la xiriiro sidii loo xoojin lahaa xiriirka,soo bandhigidda fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo sidii iskaashi dhow uga yaalen lahaayeen labada dal, kor u qaadidda aqoonta shaqaalaha iyo kobcinta xirfadahooda.

Warfaa, ayaa soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Beeraha, Xoolaha iyo Kalluumaysiga, wuxuuna ka dalbaday maal-gashadayaasha Qatar inay Soomaaliya ka hirgaliyaan maalgashi shaqooyin u abuuraya dhallinyarada.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ayaa khamiistii dib ugu soo laabtay dalaka,isagoo muddadii uu booqashada rasmiga ah ku joogay dalka Qatar la kulmay dhiggiisa dalkaas iyo Ra’iisul wasaaraha Qatar.

Previous Post

Madaxweynaha XFS oo xarigga ka jaray dhismaha Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Washington

Next Post

Gaalkacyo oo ka soo kabanaysa Colaadihii soo maray

Next Post
Gaalkacyo oo ka soo kabanaysa Colaadihii soo maray

Gaalkacyo oo ka soo kabanaysa Colaadihii soo maray

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In