Booqashadan uu ku yimid Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee dowwlada Soomaaliya Cabdi Daahir Cusmaan ayaa waxay qeeb ka tahay tiro booqasho ah oo maal mahaanba ku booqanayay qaar ka mid ah Jaamacadaha faca weyn ee ka dhisan dalka Suudaa.
Wasiirka oo booqasho ku tagay Jaamacadda Afrika ayaa markii uu soo gaaray jaamacadaas waxaa si diiran u soo dhaweeyay maamulaha Jaamacadaasi Prof. Kamaal Cubeyd kulan goonina wadda qaatay isagoo warbixin kooban ka siiyay maamulahu Jaamacadaasi waxqabadka Jaamacada kuliyadaha ay ka koobantahay iyo saameenteeda dhanka wax soo saark.
Prof . Kamaal oo hadalka sii wata ayaa sheegay ardayda ugu badan ee ka aflaxada Jaamacadan saameeentooda laga dareemo marka ay ku laabtaan dalalkooda tusaalana usoo qaatay ardayda Sooomaaliyeed.
Isagoo yiri” hadii aad aado Soomaaliya dhulkeeda meel walboo ka mid ah waxaad ku arkasaa arday ka aflaxay Jaamacadan ha nooqdo mid meel sare gaaray iyo mid caadi ahba”.
Dhanka kale Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Dowladda Soomaaliya Cabdi Daahir Cusmaan ayaa ka mahadnaqay soodhaweynta loo sameeyay iyo dadaalka balaaran ay sameesay Jaamacadan hormuudna ka yahay Prof. Kamaal waxa uu intaa raaciyay Wasiirku in aysan hilmaami doonin shacab iyo dowladba abaalkan ay u galeen Jaamacada Caalamiga ah ee Afrik.
Kulan gaar ka ah ee dhaxmaray wsiika Waxbarshaa Hidaha iyo Tacliinta Sare Dowladda Soomaaliya Cabdi Daahir Cusmaan iyo Maamulaha Jaamacada Africa Prof. Kamaal kadib ayuu wasiirku booqasho gaaban ku sameeyay qaar ka mid ah kuliyadaha ay jamacadaasi ka koobantahay iyo hababa ay u shaqeeyaan isagoo ku hormaray kuliyada Shareecada iyo Qaanuunka kuna soo arkay halkaasi maxkamad qaadeesa dacwadaha oo taabacsan kuliyadaas sidoo kale Wasiirka ayaa waxa uu booqday kuliyada shaybaarka iyo kal kaalinta oo hal meel kuwada yaala waxaana Warbixin kooban oo kuliyadaasi qaabka ay u shaqeeso siisay hormuudka kuliyadaasi.
Gaba gabadii booqashadiisa ayuu ku soo afmeeray kuliyada Warfaafinta isagoo indhihiisa ku soo arkay Arday Soomaali ah oo ka shaqeeya raadiyaha iyo TV-ga taabacsan kuliyaasi waraysi koobana wasiirku halkaasi ku siiyay TV-ga kuliyadaasi isago cadeeyay inuu aad ugu faraxsan yahay hormarka Jaamacadan ku talaabsatay iyo jaanis balaaran oo ay siisay ardayda Soomaaliyeed si ay u soo bandhigaan hibooyinka uu Alle kumaneestay ha ahaado Qur’aanka nashiidooyinka curinta gabyada ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Wasiir Cabdi Daahir Cusmaan.
Dhanka kale Wasiirka ayaa booqashadiisa ku soo gaba gabeeyay Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare ee Dalka Suudaan halkaasina kula kulmay dhigiisa dalka Suudaan Drs. Sumaya abuu Kashwah wuxuuna uga mahadnaqay casuumaada rasmiga ay u sameesay mudii sadaxda maalmood ee uu joogay Khartuum si diirana loo soo dhaweeyay waxuuna Wasiirka halkaasi ku saxiixay heshiis rasmi ah oo dhax mara labada wasaaradood fulintiisana loo xil saaray gudiyo taabacsan labada wasaaradood.