Thursday, September 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Tacliinta sare oo Khartuum kulan kula qaatay dhigiisa Dalka Suudaan ”SAWIRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Tacliinta sare oo Khartuum kulan kula qaatay dhigiisa Dalka Suudaan ”SAWIRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda  Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Dowladda Soomaaliya Cabdi Daahir Cusmaan oo ay wehlinayaan Dr. Cali Sheekh Axmed Abuukar lataliyaha Wasiirka, Ismaaciil Yuusuf Cusmaan Agaasimaha Guud ee Wasaarada, xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi ku xigeenka Gudiga hormarinta  adeega bulshada Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa kulankaas goobjoog ka ahaa dhamaan kulamadaas Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan Danjire Maxamed Cabdulaahi Ugaas Faarax iyo Uqeebsanaha dhanka waxbarashada Safaaradda  Dr. Cabduqaadir Maxamuud Cali Guulane.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

Wafdiga ayaa  booqday xaruunta Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare ee Suudaan waxaana halkaasi ku soo dhaweesay Drs. Sumaya Abuu kashwa  oo ah Wasiirada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dalka Suudaan, soo dhaweenta ka dib ayaa wasiirku waxa uu kulan la qaatay   Wasiiradda  isagoo kala hadlay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan gaar ahaan labada wasaaradood oo ay kala matalaan wuxuuna wasiirku tibaaxay in uu diyar u yahay  adkeenta xiriirka labada wasaaradood iyo dhaqan galinta  hishiisyadii horay loo galay.

Dhinaca kale Wasiirada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Suudaan ayaa iydana sheegtay in ay diyaar u tahay dhamaan in ay garab istaaagto ka wasaarad ahaan wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Dowladda Soomaaliya ayna ka haqabtiri doonaan baahiyadooda dhan walbo, waxaa ay intaas ku dartay in ay ku dadaalayaan sidii ay deeqaha waxbarasho ee Dalkeeda siiso Soomaaliya sii laba jibaari doonaan.

Wafdiga Wasiirka  ayaa waxaa booqasho ku tageem mid ka mid ah Jaamacadaha faca weyn ee ka dhisan Dalka Suudaan taa oo ah Jaamacadda Niileeyn waxna ka dhigtaan arday Soomaali ah isagoo la kulmay maamulaha Jaamacadaasi, waxuu balan qaaday maamulaha Jaamacadaasi in sanadkan bixin  doonaa ilaa iyo tobon boos oo heerka labaad ee darajada Master ah qaab lacag la’aan ah si loogu faa’ideeyo ardayda Soomaaliyeed ee u baahan deeqahaasi.

Cabdi Daahir Cusmaan Wasiirka Wasaaradda  Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Dowladda Soomaaliya ayaa dhankiisa bogaadiyay maamulka Jaamacadaasi sida hagar la’aan ta ah oo ay ugu hagar baxaan ardayda Soomaaliyeed, wuxuuna cadeeyay in abaalkaasi  aanu ahayn mid ay ilowsanyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka ayaa  lagu wadaa saacadaha soo socda in uu la hadlo Jaaliyadda iyo Ardayyda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Khartuum ugana warbixiyo xaaladaha uu marayo Dalka isagoo gabagabadii safarkiisana booqan doonaa Jaamacada Afrika oo ay wax ka bartaan badanaa ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan Khartuum

W/Q/ Cabaas Maxamed Nuur

Previous Post

Ehelada Maxaabiista Soomaaliyeed Ee Hindiya Laga Soo Celinayo Oo Soo Dhaweeyey Tallaabada Dowladdu Qaaday “Dhageyso”

Next Post

30 qof oo ku Naf waayey weerar argagixiso ah oo ka dhacay Dalka Afganistaan

Next Post
30 qof oo ku Naf waayey weerar argagixiso ah oo  ka dhacay Dalka Afganistaan

30 qof oo ku Naf waayey weerar argagixiso ah oo ka dhacay Dalka Afganistaan

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In