Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Saalim Caliyow Ibroow, ayaa isagoo la hadlayey Warbaahinta Dowladda ka warbixiyey qaar kamid shaqaalaha wasaaradaasi oo maanta tababar loogu soo gabagabeeyey Magaaladda Muqdisho.
ku dhowaad 20 kamid ah shaqaalaha wasaaradda ayaa soo loo gabagebeeyay tababbar kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha, Wasiir Saalim ayaana sheegay in ujjeedka tababarkaasi uu yahay siddii sare loogu qaadi lahaa aqoonta Shaqaalaha wasaaradda, isagoo Shaqaalaha ku adkeeyay in ay ku dadaalayaan sidii ay u kobcin lahaayeen aqoontooda, isla markaana madaxda wasaaraddu arrintaas ku gacan siin doonaan.
Tababbarka ayaa shaqaalahan u socday muddo ku siman toddobaad, waxaana uu qeyb ka yahay qorshaha lagu tayaynayo dhammaan shaqaalaha wasaaradda sida ay sheegeen mas’uuliyiinta wasaaradda.