Tuesday, October 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta: “Ciidamadu waxa ay badbaadiyeen in ka badan 50 qof” SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
12 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta: “Ciidamadu waxa ay badbaadiyeen in ka badan 50 qof” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in ciidamada amniga ay guuleysteen inay soo badbaadiyaan in ka badan 50 qof oo isugu jiray diblomaasiyiin, ganacsato, siyaasiin, dhaqaatiir iyo shacab kale, kaddib markii ay ciidamada amniga ay soo gabo gabeeyeen howlgallo ka dhan ah weerarkii maleeshiyaadka Shabaab ay ku soo qaadeen Hotelka Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha Hotelka Maka Al-mukarama ayaa tilmaamay in maleeshiyaadka argagixisada ah ay ku fashilmeen weerarkii ay ku soo qaadeen hotelka, isagoo xusay in qorshahooda uu ahaa sidii ay u xasuuqi lahaayeen dhamaanta inta ku jirtay hotelka.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026

“Shan ilaa iyo lix qof ayay ahaayeen oo dhabarka dambe ee Hotelka ka soo galay,  ciidamada wax fursad ah ma u siinin maleeshiyaadka Shabaabka inay dadka laayaan, waxaa la badbaadiyay in ka badan 50 qof, oo isugu jira diblomaasiyiin, ganacsato iyo tiro kale oo shacabka, ficilkaasi argagixisada waxaa ku dhintay 14 qof, oo uu ku jiro safiirkii Soomaaliya ee magaalada Geneva Danjire Bari bari” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ammaan u jeediyay ciidamada amniga ee dowladda, kuwaasi oo uu ku sheegay inay qabteen howl adag oo ay ka mira dhaliyeen tallaabadii ay qaadeen, waxaana uu shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada amniga oo si wada jir ah looga hortago ficilada argagixiso ee ay maleegayaan Ururka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed.

“Wixii dalka caafimaadkooda wax looga qaban waayo caafimaad dibada ah ayaan u qaadaynaa, waxaana u taaganahay sidii aan bulshada ugu adeegi lahayn, shacabka iyo ehelada waxaan uga tacsiyadeeyneynaa dadkii weerarkaasi ku dhintay” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini iyo mas’uuliyiin kale oo gaaray Hotelka.

Gureey Xaaji Xasan oo ah milkiilaha Hotelka Maka Al-mukarama ayaa ciidamada ammaanka uga mahadceliyay howlgalkii ay ku soo gabo gabeeyeen maleeshiyaadkii weerarka ku soo qaaday Hotelka, kuwaasi oo gabi ahaanba la laayay.

vlcsnap-2015-03-28-13h15m12s17 vlcsnap-2015-03-28-13h15m29s186 vlcsnap-2015-03-28-13h18m30s196 vlcsnap-2015-03-28-13h19m00s224 vlcsnap-2015-03-28-13h19m24s235  vlcsnap-2015-03-28-13h20m13s186  vlcsnap-2015-03-28-13h21m09s212 vlcsnap-2015-03-28-13h22m40s113 vlcsnap-2015-03-28-13h23m02s111 vlcsnap-2015-03-28-13h23m54s111 vlcsnap-2015-03-28-13h24m21s126 vlcsnap-2015-03-28-13h24m30s220  vlcsnap-2015-03-28-13h24m51s164 vlcsnap-2015-03-28-13h25m24s202 vlcsnap-2015-03-28-13h26m22s44  vlcsnap-2015-03-28-13h27m04s216

Previous Post

Wasiirka kalluumaysiga “ waxaan wadnaa sare u qaadista xirfadd layaasha kalluumeysatada”

Next Post

Madaxweyne Xasan oo la kulmay madax kala duwan & shir madaxeedka Jaamacadda Carabta oo furmay

Next Post
Sawirro Madaxweynaha oo gaaray Sharm El Sheikh kana qeybgalaya shir madaxeedka carabta

Madaxweyne Xasan oo la kulmay madax kala duwan & shir madaxeedka Jaamacadda Carabta oo furmay

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In