Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2022 ay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo lagu horumarinayo Warbaahinta Dowladda, laguna xoojinayo ka hortagga dagaalka fikirka iyo warbaahinta.
Wasiirka oo khudbad ka jeediyay Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafintu ay hoggaamisay dagaalka warbaahineed, iyadoo barbar socodsiinaysa dagaalka dhinacyada badan leh ee dowladda kula jirto maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Wuxuu xusay in la diyaariyay wariyaal ka howlgala furimaha dagaalka, lana xoojiyay warbaahinta qaranka, iyadoo sidoo kale la bilaabay kanaallo iyo barnaamijyo warbaahineed oo lagu tabinayo dagaalka iyo deegaannada laga xoreeyay maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaraddu xoojisay dadaallada looga hortagayo dacaayadaha argagixisada ee lagu faafiyo baraha bulshada, isagoo tilmaamay in tirada akoonnada laga qaaday tallaabo ay ka korortay 5,000 akoon sanadkii 2022 ilaa 82,000 akoon sanadkii 2026.
Dhanka kale, wuxuu sheegay in Wasaaraddu si barbar socda u wadday dhismaha iyo tayeynta awoodda hay’adaha warbaahinta iyo shaqaalaha ka howlgala Warbaahinta Dowladda,
iyadoo tababarro ku saabsan tebinta wararka mas’uuliyadda leh, xaqiijinta xogta iyo la dagaallanka wararka marin-habaabinta ah loo qabtay ugu yaraan 600 wariye iyo shaqaale warbaahineed.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in bishii Juun ee sanadkan uu daahfuray howlaha dib-u-dayactirka Kaydka Raadiyaha Muqdisho, si looga faa’iideysto xogta iyo agabka warbaahineed ee ku keydsan, loona casriyeeyo.
Waxa uu intaas ku daray in Wasaaraddu ay hadda waddo qorshaha dib-u-dayactirka Tiyaatarka Qaranka, oo uu sheegay inuu muhiim u yahay dhinacyada dhaqanka, wacyigelinta iyo kobcinta wacyiga qaranka.










