Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta: Dowladda waxay xoojinaysaa dib-u-habaynta Warbaahinta Dowladda iyo ka hortagga dacaayadaha argagixisada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta: Dowladda waxay xoojinaysaa dib-u-habaynta Warbaahinta Dowladda iyo ka hortagga dacaayadaha argagixisada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2022 ay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo lagu horumarinayo Warbaahinta Dowladda, laguna xoojinayo ka hortagga dagaalka fikirka iyo warbaahinta.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafintu ay hoggaamisay dagaalka warbaahineed, iyadoo barbar socodsiinaysa dagaalka dhinacyada badan leh ee dowladda kula jirto maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Wuxuu xusay in la diyaariyay wariyaal ka howlgala furimaha dagaalka, lana xoojiyay warbaahinta qaranka, iyadoo sidoo kale la bilaabay kanaallo iyo barnaamijyo warbaahineed oo lagu tabinayo dagaalka iyo deegaannada laga xoreeyay maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaraddu xoojisay dadaallada looga hortagayo dacaayadaha argagixisada ee lagu faafiyo baraha bulshada, isagoo tilmaamay in tirada akoonnada laga qaaday tallaabo ay ka korortay 5,000 akoon sanadkii 2022 ilaa 82,000 akoon sanadkii 2026.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in Wasaaraddu si barbar socda u wadday dhismaha iyo tayeynta awoodda hay’adaha warbaahinta iyo shaqaalaha ka howlgala Warbaahinta Dowladda,

iyadoo tababarro ku saabsan tebinta wararka mas’uuliyadda leh, xaqiijinta xogta iyo la dagaallanka wararka marin-habaabinta ah loo qabtay ugu yaraan 600 wariye iyo shaqaale warbaahineed.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in bishii Juun ee sanadkan uu daahfuray howlaha dib-u-dayactirka Kaydka Raadiyaha Muqdisho, si looga faa’iideysto xogta iyo agabka warbaahineed ee ku keydsan, loona casriyeeyo.

Waxa uu intaas ku daray in Wasaaraddu ay hadda waddo qorshaha dib-u-dayactirka Tiyaatarka Qaranka, oo uu sheegay inuu muhiim u yahay dhinacyada dhaqanka, wacyigelinta iyo kobcinta wacyiga qaranka.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda Warbaahinta 2026

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In