Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta Galmudug oo sheegay in ciidamada ay howlgallo amni xaqiijin ah ka wadaan Bacaadweyne

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta Galmudug oo sheegay in ciidamada ay howlgallo amni xaqiijin ah ka wadaan Bacaadweyne
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in ciidamada Daraawiishta Galmudug oo kaashanaya ciidamada xoogga dalka ay jab xoogan u geysteen  maleeshiyaadka argagixisada ah ee Al-Shabaab, isla markaana ciidamada ay howlgallo amni xaqiijin ah ka wadaan deegaanka Bacaadweyne iyo deegaananda kale ee ay ciidamada la wareegeen.

Mudane Axmed Shire oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in caawa ay si nabadgelyo ah ku joogaan ciidamada deegaannii ay saaka kala wareegeen dhagar qabayaasha Al-Shabaab, isagoo shacabka uga mahadceliyay sida ay ula shaqeeyaan ciidamada.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

“Howlgalkii saaka waxa uu ahaa mid qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Galmudug, waxaana ay ka bilaabeen deegaanka Bacaadweyne iyo deegaanno kale oo ku xeeran, halkaasi oo ay ciidamada si rasmi ah ula wareegeen oo cagta mariyay maleeshiyaadkii halkaasi ku sugnaa” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Galmudug.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa beeniyay wararka sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay soo qaadeen galabta dagaal rogaan celis ah, isagoo xusay in maleeshiyada Al-Shabaab aysan u ba bac dhigi karin awoodda ciidamada ku sugan Bacaadweyne iyo deegaannada kale ee ku xeeran goobihii saaka laga fara maroojiyay Al-Shabaab.

 

Previous Post

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo ka warbixiyay shir uu uga qeyb galay dalka Morocco

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha X.F.S oo lagu wadaa inuu maanta gaaro Dowlad Goboleedka Jubaland

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha X.F.S oo lagu wadaa inuu maanta gaaro Dowlad Goboleedka Jubaland

Ra’iisul Wasaaraha X.F.S oo lagu wadaa inuu maanta gaaro Dowlad Goboleedka Jubaland

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In