Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Wasiirka Warfaafinta iyo Guddoomiyaha gobolka oo si wadajir ah u furay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Keyd Hore, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Wararka, Xulashada
0
Wasiirka Warfaafinta iyo Guddoomiyaha gobolka oo si wadajir ah u furay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, iyo Hanuuninta Dadweynaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow  iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa caawa si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo sanad waliba ay Warbaahinta Qaranka u qabato degmooyinka gobollada dalka, iyadoo sanadkii Afaraad barnaamijka ay taaba galineyso maamulka gobolka Banaadir.

Munaasabad kooban oo lagu furayey Tartan Cilmiyeedka Ramadaan ee sanadkan oo lagu qabtay Istuudiyaha Radio Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Radio Muqdisho, Agaasimaha Telefishinka Qaranka, Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha iyo xubnaha guddiga tartan cilmiyeedka Bisha barakeysan ee Ramadaan.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Cabdifataax Daahir Jeyte ayaa sheegay inay sharaf u tahay in markale ay qabanayaan tartan cilmiyeedka, iyadoo ay dhageystayaasha iyo daawadayaasha ay ka kala socon doonaan Warbaahinta Qaranka, sida Telefishinka iyo Radio Muqdisho, isla markaana uu sanadkan yahay kii 7aad ee ay qababeyso Warbaahinta Qaranka.

Agaasimaha Telefishinka Qaranka Liibaan Cabdi Cali ayaa sheegay in barnaamijkan uu soo bilowday sanadkii 2012-ka, afar sano oo ka mid ah mudadii la soo qabanayay waxaa maal gelinayay maamulka Gobolka Banaadir, sanadkan waxaa ka qeyb galaya 28 degmo oo ay ku jiran 17-ka degmo ee gobolka Benaadir.

“Saddex degmo ayaa isugu soo bixi doono, kuwaasi oo kala geli doona Kaalimaha Kowaad, labaad iyo saddexaad, waxaana maamulka gobolka uga Mahadcelineynaa sida aad nooga qeyb qaadaneysaa taabo gelinta tartankan” ayuu yiri Agaasime Liibaan.

Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al Cadaalla ayaa sheegay in tartankan uu soo maray marxalado kala duwan, waxaana uu ujeedku yahay in ay ka faa’iideystaan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, meelkasta oo ay joogaan.

“Faa’iidooyin badan ayaa Barnaamijkan laga dhexlay, waxaana la ogaaday in barnaamijkan uu xoogga saarayo barashada taariikhda dalka, taasi oo fursad u siisay bulshada inay wax badan ka kororsadaan cilmiga uu xambaarsanyahay barnaamijka, waxaa kaloo ka mid ah in dadka ay ka faa’iideysteen degmooyinka iyo gobollada dalka” ayuu yiri Agaasime Cadaala.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ugu horeyn Wasiirka iyo agaasimeyaasha uga mahadceliyay qaqsoomidda barnaamijka tartan aqooneedka, waxaana uu si gaar ah labada degmada ee ku tartamaya u rajeeyay inay guuleystaan, sanadkan kiisa xigana ay ku gaaran horumar.

“Waxaan rabaa inaan waxyar ka sheego taabo gelinta tartan cilmiyeedkan oo ay sameyneyso maamulka Gobolka Benaadir, waxaana aad ugu rajo weynahay inay noqoto mid joogto ah, waxaana Ummadda uga Mahadcelineyaa, gaar ahaan waalidiinta ku dhiirigeliyay inay carruurtooda ka qeyb galaan tartankan” ayuu yiri Guddoomiye Thabit.

Guddoomiyaha ayaa hambalyo u diray dhammaan ka qeyb galayaasha tartan aqooneedka bisha Ramadaan ee ay sanad waliba qabato Warbaahinta Qaranka, waxaana uu wax lagu farxo ku tilmaamay in aqoon lagu tartamo, isla markaana ay maskaxda maalaan.

“Waxaan rabaa inaan nasiib wanaagsan u rajeeyo labada degmo oo mid ka mid ah ay tahay Warta Nabadda iyo tan Xudur ee gobolka Bakool, waxaana idinku xasuusinayaa inay soo bandhigtaan aqoontiina, waxaana rabaa inaan bulshada u sheegno inaan bilownay Olole nadaafadeed oo aan rabno inaan ku soo celino bilicda caasimadda, waana mid bille ah, iyadoo ay jiraan mid degmooyinka oo isbuucle ah” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay arrimaha amniga ayaa sheegay inay muhiimtahay Nabadgelyada, waxaana uu intaa kudaray in amniga lagu xaqiijin karo, kalsoonida shacabka oo la hela.

“Waxaa lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo rag falal dil ah geystay oo ay ugu dambeeyeen labo dhallinyaro ah oo dil ka geystay degmada Hodan, kuwaasi oo iminka gacanta lagu hayo, waxaana rabnaa in shacabka ay xoojiyaan la shaqeynta ciidamada amniga, si loo xaqiijiyo guud ahaan Nabadgelyada dalka” ayuu yiri Guddoomiye Thaabit.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa ugu horeyn Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bisha Ramadaan, waxaana uu Alle ka baryay in Soomaaliya uu Alle dhibaatada ka qaado, bulshaduna ay is cafiyaan.

Wasiirka ayaa xusay in barnaamijka uu yahay mid wacyi gelin ah oo bulshada lagu barayo taariikhdooda, waxaana uu intaa ku daray inay joogteyn doonaan barnaamijyada nuucaani oo kale ah.

“Runtii wax yaabaha lagu tartama waxa ay ahayd mid dadku ay isku bartaan, runtii barnaamijka Kadis ayuu uga dhiganyahay, Agaasimeyaasha iyo inta kale ee ka qeyb qaadatay waan u mahadcelinayaa, runtii waan ku rajo weynahay in aqoon laga kororsan doono, runtii gobolka Benaadir ayaa markale taaba gelinaya tartanka, waana ku amaaneynaa guddoomiyaha gobolka Benaadir in uu howlfiican bulshada u haya, isla markaana ay mashaariic kala duwan ay caasimadda ka fuliyeen, doorka lagu taageerayo dowladda dhexe iyo hay’adaha kale ee dowladda” ayuu yiri Eng Yariisow.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay is caawiyaan oo ay ka qeyb qaataan afurinta dadka walaalahood ee aan waxba heysan.

Tartankii ugu horeeyey ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan ee sanadkan ayaa waxaa caawa lagu daah furay tartameyaasha degmooyinka Xudur ee Gobolka Bakool iyo  Warta Nabadda oo ka tirsan gobolka Benaadir.

    

Sawir Qaade: Khadar Cali Nuur 

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka "SAWIRRO"

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In