Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Wasiirka Warfaafinta iyo Guddoomiyaha Gobolka oo soo xiray tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Keyd Hore, Keydka Sawirrada, Maqaallo, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta iyo Guddoomiyaha Gobolka oo soo xiray tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar  Cismaan Yariisow iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Thabit Cabdi Maxamed ayaa caawa si wada jir ah u soo gabo gabeeyay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo sanadkan ay ka qeyb galeen 28 degmo oo ka kala tirsan gobollada dalka oo ay ugu badnaayeen degmooyinka Gobollka Banadir.

Munaasabadda xiritaanka tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka waxaa ka kaloo ka qeyb galay guddiga tartan cilmiyeedka, Agaasimaha telefishinka Qaranka, Agaasimaha Radio Muqdisho iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarasdda Warfaafinta.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Mudane Cabdifataax Daahir Jeyte Agaasimaha Radio Muqdisho kulanka hadal kooban ka jeediyay ayaa uga mahadceliyay tartamayaasha ka qeyb galay tartanka sida quruxda badan ee ay ku soo bandhigeen aqoontooda, isagoo mahadcelin gaar ah u jeediyay daadihiyeyaasha iyo gudiga tartanka oo u dhabar adeegay muddada uu tartanka socday, waxaana uu ka codsaday Madaxda Wasaaradda iyo Maamulka Gobolka Benaadir inay gacan ka geystaan sidii aqoonta uu tartanka xambaarsanaa bulshada loogu daabici lahaa.

Agaasimaha Telefishinka Qaranka Mudane Liibaan Cabdi Cali ayaa sheegay in sanadka soo socda ay wax badan ka badali doonaan tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, isagoo xusay in tani ay tahay talaabo aad u wanaagsan oo mudan in la joogteeyo, maadama sanadkan lagu soo kordhiyay in muuqaalo laga soo duubay Degmo weliba bulshadana lala wadaagayay, si ay u bartaan horumarka ka jirta degmada habeenkaas tartameysa.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafin, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa uga mahadceliyay madaxda Wasaaradda iyo Maamulka Gobolka Benaadir taabo gelinta tartanka, isagoo adkeeyay in xoogga la saaro sidii cilmigii laga kororsaday Tartanka laga dhigo buugaag, si ay u tixraacaan jiilka soo koraya.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Thabit Cabdi Maxamed ayaa ugu horeyn hambalyo u diray tartamayaasha Warta Nabadda ee ku guuleystay tartanka sanadkan iyo tartamayaasha Dhahar oo kaalinta labaad ee tartanka soo galay, waxaana uu xusay inay tahay in tartanka uu fududeeyay inay isku bartaan dhallinyarada ku nool gobollada dalka.

Guddoomiyaha Gobolka oo tacsi u diray dadkii dhawaan ku dhintay qaraxyadii ka dhacay caasimada ayaa ugu baaqay shacabka inay xoojiyaan la shaqeynta ciidamada Nabadgelyada si loo xaqiijiyo amniga caasimadda, loogana hortago dhagaraha ay maleegayaan maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo soo xiray tartan cilmiyeedka ayaa ugu horeyn maamulka gobolka uga mahadceliyay taabo gelinta tartanka, isagoo hambalyo taa la mid ah u diray tartamayasha kala galay kaalimaha 1aad, 2aad iyo 3aad oo kala ah Warta Nabadda, Dhahar iyo Shibis oo ka kala tirsan gobollada Benaadir iyo Sanaag.

Wasiir Eng, Yariisow ayaa uga mahadceliyay howlwadeenada Warbaahinta Qaranka iyo guddiga sida gaarka ah isugu howlay in bulshada la gaarsiiy cilmi, waxaana uu xusay in tartanka uu noqon doono mid ay dhiirigelin u sameyso dowladda.

 

 

Sawir Qaade:- Mohamed White-ka

Previous Post

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo caawa ku guuleystay markii 2aad tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In