Sunday, August 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta iyo ku-xigeenkiisa oo ka qeyb galay tartan heesaha hirgalay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta iyo ku-xigeenkiisa oo ka qeyb galay tartan heesaha hirgalay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Wasiirka ku-xigeenka Wasaaradai  ayaa ka qeyb galay tartan heesaha hirgalay oo loo qabtay afar kooxood, kaasoo qeyb ka ah soo nooleynata Hidaha, Dhaqanka iyo Farshaxanka oo maalmahanba ka soconayey magaalada Muqdisho.

Tartanka ayaa waxaa ku loolamayay Afar kooxood oo kala ah Banaadir Band, Faynuus Band, Bariga Banaadir Band iyo Ifiye Band, kuwaaso ku tartamayey Heesaha, cayaaraha  hidaha iyo dhaqan  iyo Habka masraxiyadda.

Related posts

Dardargelinta howlaha hor-tebinta u leh Baarlamaanka oo laga wada hadlay

Dardargelinta howlaha hor-tebinta u leh Baarlamaanka oo laga wada hadlay

August 23, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐱-𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟔

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐱-𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟔

August 23, 2026

Kooxda Bariga Banaadir Band ayaa kaalinta kowaad ka gashashay tatanka, iyadoo wadarta dhibca ay la yimaadeen noqotay 60 dhibcood, kaalinta Labaad Kooxda Faynuus Band 49, kaalinta Seddexaad Kooxda Banaadir Band 46 iyo Kooxda Ifiye Band oo gashay kaalinta Afraad oo uruursatay 44 dhibcood, sida ay ku dhawaaqeen guddiga garsoorka tartanka.

Wasiir ku-xigeen Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble oo hadal ka jeediyey  gebagebadii tartanka ayaa sheegay in Soomaalida ay leedahay dhaqan ay ku xalin jirtay wixii khilaaf ah ee dhex mara.

“Barnaamijka waxaa rabnaa inaan ku dhiiri gelino nabadgelyada ka jirta Dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho, inta badan Soomaalida ka hadleyso Nabadda waxay aad uga fikirtaa ciidan hubeysan, hub sita baabuura gaashaaman wata in nabadda lagu keeno, laakiin Wasaaradda Warfaafintu waxay qaadatay door kaas ka duwan oo ah 80% in Ummaddaan lagu nabadeyn karo oo nabadeedu ku imaan karto ay tahay dhaqankeeda suuban ee soo jireenka ahaa, in dib loogu celiyo Soomaalidu maxay dhaqan u lahayd maxay xeer u lahayd markey dagaalamaan” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa ugu hambalyeey dhallinyarada ka soo qayb gashay Tartanka niyada wanaaaga ay muujiyeen intii uu socday tartanka.

“Dhaqanku inuu yahay uu noqon karo  fure keena nabad, xasilooni iyo wadajir inuu dhaqanku noqon karo, Soomaalidu dhaqan bay lahaan jirtay, isaga ayey ku xalin jirtay wixii soo kala dhexgala  dhaqankeeda ayey ku xalin jirtay, wixii ay isku qabsadaan dhaqankeeda ayey wax ku qaybsan jireen, geed hoostiisa ayey wax ku qaybsan jirtay markaa dhaqanku waxaa weeye fure keeni kara inay Soomaalidu ka soo kabato burburkii gaaray oo ku midowdo oo ku walaalowdo” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Tartankan ayaa qayb ka ah Barnaamijka soo noleynta Dhaqanka, Farshaxanka iyo Cayaaraha oo maalmahan ka socday magaalada Muqdisho kaas looga danleeyey isdhaxgalka dhallinyarada iyo xoojinta Nabadgelyada.

Sawir Qaade:- Cabdullaahi Muxudiin Codka

DSC01360 DSC01363 DSC01365 DSC01368 DSC01370 DSC01376 DSC01385 DSC01386 DSC01387 DSC01396 DSC01410 DSC01414 DSC01415 DSC01423 DSC01425 DSC01428 DSC01432 DSC01434 DSC01446 DSC01469 DSC01488 DSC01492 DSC01495 DSC01501 DSC01510 DSC01511 DSC01513 DSC01521 DSC01527 DSC01529 DSC01530 DSC01535 DSC01536 DSC01537 DSC01543 DSC01554 DSC01559 DSC01566 DSC01574 DSC01578 DSC01580 DSC01581 DSC01585 DSC01590 DSC01596 DSC01597 DSC01598 DSC01599 DSC01600 DSC01602

 

Previous Post

Soo nooleynta adeegyada Bulshada iyo dib u dhiska dalka oo London looga hadlay “SAWIRRO”

Next Post

Tartan Isboorti oo ku saabsan isdhexgal bulsho oo ka furmay degmada Shangaani

Next Post
Tartan Isboorti oo ku saabsan isdhexgal bulsho oo ka furmay degmada Shangaani

Tartan Isboorti oo ku saabsan isdhexgal bulsho oo ka furmay degmada Shangaani

Dardargelinta howlaha hor-tebinta u leh Baarlamaanka oo laga wada hadlay

Dardargelinta howlaha hor-tebinta u leh Baarlamaanka oo laga wada hadlay

August 23, 2026
0

Waxaa soo gaba gaboobay wadahadalo u dhaxeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐱-𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟔

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐱-𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟔

August 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta Diyaarinta Warbixinta Wax-qabadka Xukuumadda...

Dowladda Soomaaliya oo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta tababar ugu diraysa dalka Masar

Dowladda Soomaaliya oo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta tababar ugu diraysa dalka Masar

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta xaflad sagootin ah loogu sameeyey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta, oo tababar...

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Danjire...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In