Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta iyo safiirka Britain ee Soomaaliya oo ka wada hadlay horumarinta Warbaahinta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo sheegay in beesha caalamka ay bogaadisay horumarka dowladda “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka  iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ay wehliyaan Agaasimaha Telefishinka Qaranka iyo xiriirka Warbaahinta madaxa banaan Mudane  Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta kulan la qaatay safiirka Britain ee Soomaaliya Harriet Mathews, kaasi oo ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowlada Ingiriiska uga qeyb qaadan laheyn Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya.

Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Danjire Harriet Mathews ayaa ugu horeyn ka hadashay kulanka ay maanta la qaadatay Wasiirka Warfaafinta iyo mas’uuliyiin la socotay iyo waxyaabaha ay ka wada hadleen.

Related posts

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026

“Waxaan kulan aad u wanaagsan la qaatay xubno uu hogaaminayo Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, waxaana ka wada hadalnay xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya UK iyo Soomaaliya, sidoo kale xiriirka soo jireenka ah ee dhaxeeya labada dowladood iyo labada shacab, waxaan kaloo ka wada hadalnay horumarinta Warbaahinta Soomaalida, arrimaha xuriyatul qowlka iyo sidoo kale horumarinta dhaqanka Soomaaliya” ayay tiri Danjire Harriet Mathews.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka  iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in safiirka Britian ee Soomaaliya ay isku afgarteen sidii dowlada Ingiriiska ay usii xoojin laheyd taageerada ay Soomaaliya siiso iyo sidoo kale Horumarinta Warbaahinta Dalka.

“Maanta waxaan halkaan kula kulanay ambaasadoorka Ingiriiska Soomaaliya u fadhisa, waxaana kala hadalnay xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Ingiriiska iyo taageerada had iyo jeer dowlada Britain ay la garab taagantahay dowladda Soomaaliyeed, waxaan isla soo hadal qaadnay in taageerada dowladda Ingiriiska ay siineyso Soomaaliya in la sii xoojiyo, kuwaasoo isugu jira dhinaca ammaanka, horumarinta dowladnimada iyo dhisida hay’adaha dowladda iyo sidii dowlada Ingiriiska ay Soomaaliya uga taageerto horumarinta Warbaahinta” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

 

 

Previous Post

Xildhibaannada Baarlaamanka oo loo qeybiyay dib eegista miisaaniyadda 2015-ka

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Jaaliyada Soomaaliyeed Switzerland “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Jaaliyada Soomaaliyeed Switzerland “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Jaaliyada Soomaaliyeed Switzerland "SAWIRRO"

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Go'aan kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa looga joojiyay ka-qeybgalka kulamada...

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo saaray go’aanno rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Khawaarij waaweyn ay si toos ah ula...

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In