Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Baarlaamanka oo loo qeybiyay dib eegista miisaaniyadda 2015-ka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 15, 2015
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo hadal ka jeediyey furitaanka kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa ugu horeyn howlwadeennada iyo Xildhibaannada Baarlamaanka uga tacsideeyey geerida ku timid Allaha u naxariistee Raxmo Maxamed Cabdiqaadir oo ka mid aheyd howlwadeennada Baarlamaanka oo saakay dhagarqabeyaal ay ku dileen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sii gudagalay ka doodista Hindise Sharciyeedka Xeerka Isgaarsiinta Qaranka, kaasi oo maalmahan doodiisu ay ka socotay xarunta Baarlamaanka, waxaana dooda Xildhibaannada ee maanta ay ku qotontay guddiga ama hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee la doonayo in la sameeyo, in maamul goboleedyada dalka ka jira iyo shirkadaha isgaarsiinta laga talageliyo sameynta sharcigan, waxaase ay Mudaneyaashu Baarlamaanku ka sinnaayeen aragti ahaan baahida loo qabo in sharcigan la meel mariyo.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo gebagebadii kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in uu jiro mooshin ay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka kasoo gudbiyeen qodob ka mid ah Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta Qaranka, mooshinkaasina ay Xildhibaannadu u codeyn doonaan maalinta Isniinta ah hadii uu Alle idmo.

Dhinaca kale Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa maanta loo qeybiyey dib u eegista Miisaaniyadda Dowladda ee sanadkan 2015taasi oo Golaha Wasiirradu soo ansixyeen 25-Jully-2015, waxaana sida uu qabo xeer hoosaadka Baarlamaanka qabo ay Xildhibaannadu soo akhrisan doonaan dib u eegista miisiiniyadda Dowladda mudo 48 saacadood ah kaddib kolkaasi oo akhrintaasi la gudageli doono.

 

Previous Post

Maxkamadda gobolka oo xukunno kala duwan ku riday eedeysanayaal

Next Post

Wasiirka Warfaafinta iyo safiirka Britain ee Soomaaliya oo ka wada hadlay horumarinta Warbaahinta

Next Post
Wasiirka Warfaafinta oo sheegay in beesha caalamka ay bogaadisay horumarka dowladda “Dhageyso”

Wasiirka Warfaafinta iyo safiirka Britain ee Soomaaliya oo ka wada hadlay horumarinta Warbaahinta

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In