Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo furay tababar ku saabsan bad-qabka Saxafiga-SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Siminaarkan oo socon doono muddo saddex cisho ah waxaa lagu baran doonaa arrimo ay ka midyihiin badqabka Saxafiga, sida ugu wanaagsan ee ay ku wada shaqeyn karaan hay’adaha amniga, Maxkamadaha iyo Warbaahinta, taasi oo sahleysa xoojinta amniga.

Tababarkan ay si wadajir ah isaga kaashanayaan UNSOM, Sweden, Relief International iyo hay’adaha taageera Warbaahinta Soomaaliya ayaa  maanta loo furay  qaar ka mid ah wariyaasha ka  howl gala  magaladda Muqdisho.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Guddoomiyaha kooxda Xiriirka taageerta warbaahinta Soomaaliya mr Jaco Dutait oo ugu horreyn tababarka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in u jeedka tababarka uu yahay in la wada hadalsiiyo laamaha amniga iyo bahda Warbaahinta, si loo helo nidaam ay ku wada shaqeeyaan dhinacyadaasi.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiisa ee xukuumadda Soomaaliya Md. Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo furay tababarka ayaa uga mahadceliyay hay’adaha soo qaban qaabiyay, isagoo xusay Wasiirku tilmaamay in dastuurka dalka uu qeexayo Xorriyadda Saxaafadda,  Loona bahan yahay  in ay wada shaqayn wanaagsan dhexmarto  bahda warbaahinta iyo hay’adda amniga dalka.

“Dowladda Siyaasadeeda waxaa  weeye warbaahintaan xoogga leh   ee  gaarka loo leyahay in ay jirto, inay shaqayso in ay yeelato xirfadda wanaagsan  oo ay shaqadeeda u aqoon u lahaato, isla markaana  ciidanka  ammaanku ay ku tixgaliyaan shaqadoodda  oo ay ciidanka  ammaanka iyo warbaahintu  xorta  ee Somaliyeed  ay u wada shaqeyaan si waafaqsan   sharuucda  calamiga ah  iyo qaabka ay u wad shaqeyaanka  wadama  hormaray eel eh warbaahinta   horumaray  sida ay  uwada shaqeyaan  ayaan doonaynaa, ee marka sidaa ogtihiin dastuurka soomaliya  waxa u damaanad qaadayaan xoriyadda Saxafadda  xorta ah “ ayuu  yiri Wasiir Maareeye .

Md. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa xusay in 12-ka bishan Muqdisho lagu qaban doono shir muhiim ah oo ay ka soo wada qeyb gali doonaan Wasiirada Warfaafinta Maamul Goboleedyada dhisan, Agaasimeyaasha guud, laguna marti qaado Wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya, kaasi oo ay qaban qaabineyso Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, si loo helo wada shaqeyn buuxdo dhexmarta  guud ahaan  Bahda Warbaahinta Soomaliyeed .













Previous Post

Baarlamaanka oo kulan ku leh magaalada Muqdisho

Next Post

Shir Qaxootiga Soomaaliya looga hadlayay oo Muqdisho lagu qabtay

Next Post
Shir Qaxootiga Soomaaliya looga hadlayay oo Muqdisho lagu qabtay

Shir Qaxootiga Soomaaliya looga hadlayay oo Muqdisho lagu qabtay

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In