Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo hambalyo ku aadan maalinta saxaafadda adduunka 3da May u diray suxufiyiinta Soomaaliyeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiir Maareeye oo ka hadlay wax-qabadka Dowladda intii ay jirtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxay hambalyo ku aadan maalinta Saxaafadda Aduunka ee 3-da May u diraysaa dhamaan Weriyayaassha, Xarumaha saxaafadda iyo Ururada ay ku mideysan yihiin Suxufiyiinta Soomaaliya.

Sida ay dhigayaan Dastuurka KMG ah ee Dalka, Dhamaan Shuruucda dalka iyo Siyaasadda iyo Mabaadiida ay ku dhisan tahay, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta madax banaanida iyo xorriyadda Saxaafadda, Xoriyatul qowlka iyo in Soomaaliya yeelato Warbaahin Madax Banaan oo si xornimo iyo nabad gelyo ku jirto uga hawlgasha Soomaaliya oo dhan.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Ku dhowaad 30 sano oo Soomaaliya ku soo jirtay qaabab kala duwan oo deganaan la’aan iyo dagaalo lagula jiro xoogag nabad diid ah, ka dib, Dawladda Soomaaliya waxaa ogtahay in dalku in uu yeesho Warbaahin madaxbanaan ay dani ugu jirto dalka iyo dadka Soomaaliyeed, iyo in dhismaha Dowladda iyo Bulshada si degdeg ah uga soo kabtaan dhibaatooyinka ay u geysteen degaan la’aanta iyo aragixisadu.

Waxaanu ka xunahay oo uga Tacsiyeydaynaynaa Suxifiyiinta Soomaaliyeed tacadiyada, dilalka iyo hanjabaada ay kooxaha Argagaxisada ah ee Alshabaab ku hayaan Suxifiyiinta Soomaaliyeed iyo in ay si xor ah oo nabadelyo ah u guntaan shaqadood. Dowladda Soomaaliya waxay burburisay Shabakado Argagixiso oo u xilsaarnaa dilka iyo Cabudhinta Warbaahinta Soomaaliyeed, sidoo kale waxay gacanta ku dhigtay Gacan ku dhiiglayaal Argagixiso ah oo Sharciga la horgeeyey.

Dhinaca Shuruucda iyo in la helo qaab-dhismeed ay ku wada shaqeeyaan Dowladda iyo Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxaa dhowaan labada aqal ee Barlamaanka Soomaaliyeed meel mariyeen Sharciga Saxaafadda Soomaaliyeed, kaasoo damaanad qaadaya xoriyada Saxaafadda iyo suxifiga iyo ilaalinta Nabadgelyadood, sidoo kale dhisaya guddi Qaran oo ay ku mideysan yihiin Dawladda, Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo Hay’adaha arimaha Bulshada iyo Xuquuqul Insaanka kaasoo wax badan ka taraya korjoogteynta ku dhaqanka Sharciga.

Waxaanu mar labaad u hambalyeynaynaa Suxufiyiinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaanuna ku dhiirigelinaynaa in ay shaqadooda u gutaan si xor ah oo ay ku jirto Masuuliyad.

Hoos kala deg lifaaqa War-saxaafadeedka

War-saxafaded Maalinta Saxaafada Aduunka

Previous Post

Dowladda oo gurmad deg deg ah u direysa deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug

Next Post

Farriinta Madaxweynaha JFS Ee Xuska Maalinta Xorriyadda Saxaafadda

Next Post
Madaxweyne Farmaajo “Dadka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay u hoggaansamaan talooyinka caafimaad ee badqabkooda.”

Farriinta Madaxweynaha JFS Ee Xuska Maalinta Xorriyadda Saxaafadda

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In