Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlay mowqifka dowladda ee NUSOJ “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlay mowqifka dowladda ee NUSOJ “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan maanta gudiga madax banaan ee xalinta khilaafkii ka dhaxeeyay hogaanka Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed, isla markaana ay soo wakiisheen Warbaahinta dalka ay la qaateen Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlayay arrimo ay ka mid yihiin warbixin ku saabsan halka ay mareyso howsha guddiga oo ah dhameynta khilaafkan mudada soo jiitamayay iyo helida qorshe dhab ah oo lagu dhisayo hogaan ururka NUSOJ uu yeesho.

Cabdi Maalik Yuusuf Maxamed oo ah milkiilaha Idaacada Shabeele iyo ismaaciil sheekh khaliif oo labaduba ka mid guddiga ayaa sheegay in ujeeddada kulanka maanta uu ahaa in ay uga warbixiyaan waxyaabihii u qabsoomay muddadii ay howshan dhex dhexaadinta ah ku jireen, iyagoo ka codsaday in Warbaahinta Soomaaliya ay howshan ku garab istaagaan.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir ‘’Meereey’’ ayaa sheegay in Wasaarada Warfaafinta iyo ka dowlad ahaanba ay taageerayaan dadaalada Warbaahinta Soomaaliya lagu horumarinayo, maadaamaa dalka hada isbedelo dhinaca horumarka ah uu galayo.

Sidoo kale Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Meereey” ayaa ka hadlay mowqifka Wasaarada Warfaafinta kaga aadan Ururuka suxufiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.

“Mowfiqka dowlad ahaan iyo kan Wasaarad ahaan, waxaan cadeynayaa in NUSOJ ay tahay urur saxaafadeed oo madax banaan, kaasi oo ay leeyihiin suxufiyiinta Soomaaliyeed, tan kale guddigan anigu ma soo xulin ee bahda Warbaahinta ayaa iska soo dhex doortay, anaguna waxaan ku leenahay inaan talo ku biirino, iyaguna ay warbixin naga siiyaan halka ay wax u mareyso” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Gudigan Sagaalka xubnood ka kooban, islamarkaana ay iska soo xuleen warbaahinta dalka ayaa malmihii ugu dambeeyay waday dadaalo ay ku soo afjarayaan muran mudooyinkii ugu dambeeyay ka taagnaa hogaanka ururka suxufiyiinta Qaranka,waxaana maalinta beri ah lagu wadaa in gudigan uu kulan la qaato guud ahaan suxufiyiinta ka howl gala magaalada Muqdisho oo ay hor geyn doonaan waxyaabaha ilaa hadda u qabsoomay iyo qorshahooda xiga.

IMG_1948 IMG_1949 IMG_1950 IMG_1951 IMG_1952 IMG_1954 IMG_1955 IMG_1957 IMG_1959 IMG_1961 IMG_1962 IMG_1966 IMG_1968 IMG_1969 IMG_1970 IMG_1972

Sawir Qaade:- Maxamed Cabdullaahi Feereysane

Previous Post

Isbitaalka laansareeti oo lagu soo kordhiyay qeybta daryeelka hooyada iyo dhallaanka

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka dib ugu soo laabtay kadib shirkii Jarmalka lagu qabtay

Next Post
Madaxweynaha: ‘’Soomaaliya waxay waysey mid ka mid ah tiirarkii aasaaska u ahaa diblomaasiyadda’’

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka dib ugu soo laabtay kadib shirkii Jarmalka lagu qabtay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In