Tuesday, October 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlay mowqifka dowladda ee NUSOJ “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlay mowqifka dowladda ee NUSOJ “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan maanta gudiga madax banaan ee xalinta khilaafkii ka dhaxeeyay hogaanka Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed, isla markaana ay soo wakiisheen Warbaahinta dalka ay la qaateen Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlayay arrimo ay ka mid yihiin warbixin ku saabsan halka ay mareyso howsha guddiga oo ah dhameynta khilaafkan mudada soo jiitamayay iyo helida qorshe dhab ah oo lagu dhisayo hogaan ururka NUSOJ uu yeesho.

Cabdi Maalik Yuusuf Maxamed oo ah milkiilaha Idaacada Shabeele iyo ismaaciil sheekh khaliif oo labaduba ka mid guddiga ayaa sheegay in ujeeddada kulanka maanta uu ahaa in ay uga warbixiyaan waxyaabihii u qabsoomay muddadii ay howshan dhex dhexaadinta ah ku jireen, iyagoo ka codsaday in Warbaahinta Soomaaliya ay howshan ku garab istaagaan.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir ‘’Meereey’’ ayaa sheegay in Wasaarada Warfaafinta iyo ka dowlad ahaanba ay taageerayaan dadaalada Warbaahinta Soomaaliya lagu horumarinayo, maadaamaa dalka hada isbedelo dhinaca horumarka ah uu galayo.

Sidoo kale Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Meereey” ayaa ka hadlay mowqifka Wasaarada Warfaafinta kaga aadan Ururuka suxufiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.

“Mowfiqka dowlad ahaan iyo kan Wasaarad ahaan, waxaan cadeynayaa in NUSOJ ay tahay urur saxaafadeed oo madax banaan, kaasi oo ay leeyihiin suxufiyiinta Soomaaliyeed, tan kale guddigan anigu ma soo xulin ee bahda Warbaahinta ayaa iska soo dhex doortay, anaguna waxaan ku leenahay inaan talo ku biirino, iyaguna ay warbixin naga siiyaan halka ay wax u mareyso” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Gudigan Sagaalka xubnood ka kooban, islamarkaana ay iska soo xuleen warbaahinta dalka ayaa malmihii ugu dambeeyay waday dadaalo ay ku soo afjarayaan muran mudooyinkii ugu dambeeyay ka taagnaa hogaanka ururka suxufiyiinta Qaranka,waxaana maalinta beri ah lagu wadaa in gudigan uu kulan la qaato guud ahaan suxufiyiinta ka howl gala magaalada Muqdisho oo ay hor geyn doonaan waxyaabaha ilaa hadda u qabsoomay iyo qorshahooda xiga.

IMG_1948 IMG_1949 IMG_1950 IMG_1951 IMG_1952 IMG_1954 IMG_1955 IMG_1957 IMG_1959 IMG_1961 IMG_1962 IMG_1966 IMG_1968 IMG_1969 IMG_1970 IMG_1972

Sawir Qaade:- Maxamed Cabdullaahi Feereysane

Previous Post

Isbitaalka laansareeti oo lagu soo kordhiyay qeybta daryeelka hooyada iyo dhallaanka

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka dib ugu soo laabtay kadib shirkii Jarmalka lagu qabtay

Next Post
Madaxweynaha: ‘’Soomaaliya waxay waysey mid ka mid ah tiirarkii aasaaska u ahaa diblomaasiyadda’’

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka dib ugu soo laabtay kadib shirkii Jarmalka lagu qabtay

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In