Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka dib ugu soo laabtay kadib shirkii Jarmalka lagu qabtay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 16, 2016
in Wararka
0
Madaxweynaha: ‘’Soomaaliya waxay waysey mid ka mid ah tiirarkii aasaaska u ahaa diblomaasiyadda’’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii uu dhawaan dalka Jarmalka uga soo qeyb galay shirka arrimaha amniga caalamka ee Munich Security Conference (msc2016),

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha aadan cadde ku soo dhaweeyay guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo mas’uuliyiin kale.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Madaxweyne Xasan Sheeekh ayaa shirka ka jeediyay khudbad uu kaga hadlaayay xaaladaha ammaan ee dalka iyo xiriirka ka dhexeeya Al-Shabaab iyo Boko Haram, isagoo madaxda ka codsaday in loo midoobo la dagallaanka argagixisada.

Mudane Xasan Sheeekh ayaa kulamo la qaatey madax iyo diblomaasiyiin kuwaasi oo ay ka midyihiin Jan Eliasson oo ah Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Boqortooyada Norway, Børge Brende, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain, Philip Hammond, Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka, Ursula von der Leyen, iyo mas’uuliyiin kale.

Kulamadan ayaa la iskula soo qaadey xoojinta xiriirka dhinacyadaasi kala dhexeeya Soomaaliya, xaaladda amniga ee gobolka Geeska Afrika, arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya iyo taageerada dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

 

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlay mowqifka dowladda ee NUSOJ “SAWIRRO”

Next Post

Daawo Sawirrada: Hotel AL-FURAT oo laga furay magaalada Muqdisho

Next Post
Daawo Sawirrada: Hotel AL-FURAT oo laga furay magaalada Muqdisho

Daawo Sawirrada: Hotel AL-FURAT oo laga furay magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In