Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa ka hadlay weerarki argagixiso ee saaka lagu qaaday hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa cambaareeyay weerarkaasi isagoo fal argagixiso ku tilmaamay weerarkaasi lagu qaaday hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.
Maareeye ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada ammaanku ay wadfaan howlgallo ay ku xaqiijinayaan ammaanka hoteelkaasi.
Wasiirka ayaa tilmaamay iney ku dhinteen weerarkaasi mas’uuliyiin Soomaaliyeed oo isugu jiray mudanayaal,ย saraakiil ciidan iyo Ganacsato.