Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo ka qeyb galay sanad guurada 100-aad ee Xurnimada Finland oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo ka qeyb galay sanad guurada 100-aad ee Xurnimada Finland oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa lagu qabtay Sanadguuradii 100-aad ee xurnimada dalka Finland, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisow.

Wasiirka Warfaafinta ayaa Safiirka Finland ee Soomaaliya Danjire Tarja Fernandez kaga mahad celiyay in Muqdisho lagu xuso sanad guuradii 100-aad ee xurnimada Finland, taas uu sheegay inay cadeyn u tahay sida Dowlada Finland ay u dooneyso in lasii xoojiyo xiriirka taariikhiga ee u dhaxeeya Finland iyo Soomaaliya oo soo bilowday 1971-dii sida wasiirka sheegay.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisow ayaa sidoo kale uga mahad celiyay Safiirka sida Dowlada Finland ay u soo dhaweysay qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkaasi tegay, sida ay uga mid noqdeen bulshada ku nool dalkaasi iyo sida ay ugu dhiiri geliyaan in dalkooda ay kusoo laabtaan oo ay ka qeyb qaateen dib u dhiskiisa.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn sheegay in Dowlada Finland ay wada shaqeyn wanaagsan la leedahay Wasaaradda Warfaafinta, iyagoo fuliyay Mashruuc lagu qalabeeyay Telefishinka Qaranka Soomaaliya SNTV, isla markaana tababaro siiyay saxafiyiinta Soomaaliyeed, iyagoo u soo diray Soomaaliya khubaro dhanka Warbaahinta ah.

Safiirka dowladad Finland ee Soomaaliya Danjire Tarja Fernandez ayaa balanqaaday in Mashruucyo badan oo horumarineed ay Soomaaliya ka fulin doonaan sanadaha soo socda.

 

 

Previous Post

Ka hortagga xadgudubyada ka dhanka ah dumarka oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Booqday Xarunta Safaraddda Soomaaliya ee Sucuudiga “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Booqday Xarunta Safaraddda Soomaaliya ee Sucuudiga “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Booqday Xarunta Safaraddda Soomaaliya ee Sucuudiga "SAWIRRO"

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In