Sunday, September 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
36 minutes ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Wakiilka Hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNDP) mudane Christophoros Politis.

Wakiilka UNDP markii uu soo gaaray xarunta Wasaaradda waxaa soo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, waxa uu booqday xarumaha Warbaahinta Qaranka iyo Kaydka taariikhiga ah ee Radio Muqdisho, halkaas oo uu ku soo indha-indheeyay shaqada ka socota xarumahaasi iyo dadaallada lagu ilaalinayo dhaxalka taariikhiga ah ee warbaahinta Soomaaliya.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo saxiixay Sharciga Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Xilliyada Colaadaha

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo saxiixay Sharciga Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Xilliyada Colaadaha

September 20, 2026
Wafdi sare oo ka socda Ciidamada Cirka Pakistan oo Muqdisho lagusoo dhaweeyay

Wafdi sare oo ka socda Ciidamada Cirka Pakistan oo Muqdisho lagusoo dhaweeyay

September 20, 2026

Kulanka wasiirka iyo mudane Christophoros Politis ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka wada-shaqeyneed ee Wasaaradda iyo UNDP iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi joogto ah oo taageeraya mudnaanta Wasaaradda ee dhinacyada warbaahinta, xiriirka istiraatiijiga ah, wacyigelinta dadweynaha, dhaqanka iyo dalxiiska.

Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay iskaashi ku saabsan horumarinta awoodda warbaahinta, wacyigelinta iyo jiheynta dadweynaha, taageerada warbaahinta iyo wacyigelinta doorashooyinka, ka-hortagga wararka been-abuurka iyo marin-habaabinta, la-dagaallanka xagjirnimada rabshadaha wata (PCVE), iyo horumarinta iyo dhiirrigelinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya.

Wasiirka ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in wada-hadallada labada dhinac loo beddelo iskaashi farsamo oo la taaban karo, iyadoo la dejinayo mudnaanta, qorshaha fulinta iyo hab joogto ah oo isku-duwidda Wasaaradda iyo UNDP.

Labada dhinac ayaa isku afgartay in la sii ambaqaado wada-hadallada farsamo, si fursadaha iskaashi ee la isla gartay loogu beddelo barnaamijyo iyo hawlo wax ku ool ah.

Kulanka waxaa dhinaca Wasaaradda ka qeyb galay Agaasimaha Guud Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimaha Waaxda Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Cabdishakuur Cali Axmed iyo Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA Ismaaciil Mukhtaar Cumar. Dhinaca UNDP waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiinta qeybaha Xiriirka Dowladda, Siyaasadda iyo Warbaahinta.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo saxiixay Sharciga Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Xilliyada Colaadaha

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay...

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo saxiixay Sharciga Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Xilliyada Colaadaha

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo saxiixay Sharciga Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Xilliyada Colaadaha

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa saxiixay  Sharciga Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka...

Wafdi sare oo ka socda Ciidamada Cirka Pakistan oo Muqdisho lagusoo dhaweeyay

Wafdi sare oo ka socda Ciidamada Cirka Pakistan oo Muqdisho lagusoo dhaweeyay

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, S/Guuto. Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi sare oo ka...

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta ka guddoomay nuqul ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In