Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
1 month ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Wakiilka Hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNDP) mudane Christophoros Politis.

Wakiilka UNDP markii uu soo gaaray xarunta Wasaaradda waxaa soo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, waxa uu booqday xarumaha Warbaahinta Qaranka iyo Kaydka taariikhiga ah ee Radio Muqdisho, halkaas oo uu ku soo indha-indheeyay shaqada ka socota xarumahaasi iyo dadaallada lagu ilaalinayo dhaxalka taariikhiga ah ee warbaahinta Soomaaliya.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Kulanka wasiirka iyo mudane Christophoros Politis ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka wada-shaqeyneed ee Wasaaradda iyo UNDP iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi joogto ah oo taageeraya mudnaanta Wasaaradda ee dhinacyada warbaahinta, xiriirka istiraatiijiga ah, wacyigelinta dadweynaha, dhaqanka iyo dalxiiska.

Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay iskaashi ku saabsan horumarinta awoodda warbaahinta, wacyigelinta iyo jiheynta dadweynaha, taageerada warbaahinta iyo wacyigelinta doorashooyinka, ka-hortagga wararka been-abuurka iyo marin-habaabinta, la-dagaallanka xagjirnimada rabshadaha wata (PCVE), iyo horumarinta iyo dhiirrigelinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya.

Wasiirka ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in wada-hadallada labada dhinac loo beddelo iskaashi farsamo oo la taaban karo, iyadoo la dejinayo mudnaanta, qorshaha fulinta iyo hab joogto ah oo isku-duwidda Wasaaradda iyo UNDP.

Labada dhinac ayaa isku afgartay in la sii ambaqaado wada-hadallada farsamo, si fursadaha iskaashi ee la isla gartay loogu beddelo barnaamijyo iyo hawlo wax ku ool ah.

Kulanka waxaa dhinaca Wasaaradda ka qeyb galay Agaasimaha Guud Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimaha Waaxda Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Cabdishakuur Cali Axmed iyo Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA Ismaaciil Mukhtaar Cumar. Dhinaca UNDP waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiinta qeybaha Xiriirka Dowladda, Siyaasadda iyo Warbaahinta.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo saxiixay Sharciga Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Xilliyada Colaadaha

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In