Sunday, October 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo shaaciyay in dabayaaqada bishan uu furmi doono shir muhiim u ah Afka Soomaaliga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Dowladda F. Soomaaliya oo Shaacisay Xogtii ugu dambeysay ee Qasaaraha qaraxii Soobe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Yariisow” ayaa kulan looga hadlayey sidii loo daah-furi lahaa madasha lagu xoojinayo Afka Soomaaliga la qaatay mas’uuliyiin ka socotay Akadeemiyad gobolleedka Afka Soomaaliga iyo guddoomiyaha guddiga Warfaafinta ee Golaha shacabka.

Horraanta kulanka ayaa looga hadlay doorka Wasaaradda ee dhinaca wacyigelinta Af Soomaaliga iyo in la bilaabo barnaamijyo  lagu kobcinayo Afkeenna, Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta, Dhaqanka iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Soomaaliya Xildhibaan Khaalid Macoow ayaa Wasiirka Warfaafinta Guddoonsiiyey Warqad mahadcelin iyo boggaadin ku aaddan doorka wada shaqeyn ee Wasaaradda iyo Guddiga.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

October 4, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026

Kulanka waxaa joogey Xildhibaanno golaha shacabka ah, Agaasimaha Telefishinka Qaranka Saraakiil ka socotay Akadeemiyad gobolleedka Afka Soomaaliga AGA.

Qeybta labaad ee kulanka  ayaa lagu falan-qeeyey sidii loo abuuri lahaa loona dardargelin lahaa madasha kor u qaadidda Af Soomaaliga oo dabayaaqada bishan ka furmi doona magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta, Dhaqanka iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Soomaaliya Xildhibaan Khaalid Macoow ayaa u mahadceliyey Wasiirka iyo Wasaaradduba sida joogtada ah ee ay ula shaqeeyaan Guddiga, iskana kaashan doonaan arrimaha Dhaqanka iyo xoojinta Afka Hooyo.

Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa sheegay in 28-ka bishan la furi doono madasha Akameediyada Afka Soomaaliga ee AGA, taas oo bilow u ah barnaamijyo lagu xoojinayo Af Soomaaliga.

 

 

Previous Post

Arday dhameysatay tababar xirfado shaqo lagu barayay oo shahaadooyin la gudoonsiiyay “SAWIRRO”

Next Post

Shir ku saabsan dhismaha Gole deegaan oo ay yeeshaan Baydhabo iyo Baraawe oo la daah furay

Next Post
Maamulka Degmada Baraawe oo codsaday in laga caawiyo arrimaha caafimaadka

Shir ku saabsan dhismaha Gole deegaan oo ay yeeshaan Baydhabo iyo Baraawe oo la daah furay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

October 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Al-calameyn ee dalka Masar kaga qaybgalay Madasha Ganacsiga Alcalamayn–Afrika, oo...

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
0

Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In