Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray mashruuc lagu tababaray in ka badan 350 qof oo ku saabsanaa la dagaalanka xagjirka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray mashruuc lagu tababaray in ka badan 350 qof oo ku saabsanaa la dagaalanka xagjirka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Barnaamijkaan oo socday muddo laba sano ah 2023/2024, waxaa iska kaashaday Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Hay’adda Tubsan iyo Hay’adda Albany, waxaana lagu tababaray 354 qof oo u badan wariyayaasha ka hawlgala furimaha dagaalka, hawlwadeenada ka shaqeeya Barnaamijyada la xiriira la dagaallanka Khawaarijta iyo dhiira-galinta isa soo dhiibayaasha, ururrada Haweenka iyo hawlwadeeno ka socday dowlad goboleedyada, waxaana ay tababaradaasi ka kala dhaceen Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in barnaamijkani uu muhiim u yahay dhismaha xirfadda iyo aqoonta hawlwadeenada Warbaahinta iyo hay’adaha ku howlan la dagaallanka fikirka guracan ee Khawaarijta iyo nolol u sameynta dhallinyarada ka soo baxaysa kooxaha Khawaarijta ah.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa bogaadiyay howlwadeenada Hay’adda Albany iyo Macalimiintii la shaqeynayay intii uu socday tababarkaasi, wuxuuna hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in la xoojiyo tababarrada iyo farriimaha wacyigalinta ah ee la xiriira ka hortaga fikirka xagjirka ah, been abuurka Khawaarijta iyo dhiiragalinta dhalinyarada doonaysa in dadkooda ay ka mid noqdaan.

Safiirka ku-xigeenka Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya Mudane Steven Gillen oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa bogaadiyay dedaallada wadajirka ah ee la isaga kaashanayo dhismaha aqoonta howlwadeenada iyo wariyayaasha ka shaqeeya la dagaallanka kooxaha Khawaarija ah iyo fikirkooda qaldan, wuxuuna sheegay in Mareykanka ay ka go’an tahay taageerada qorshaha Soomaaliya ku xoojinayso amnigeeda, kuna ciribtirayso argagixisada Khawaarijta ah.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale iyo agaasimayaal ka soo shaqeeyay intii uu socday barnaamijka iyo qaar ka mid ah howlwadeenadii ka faa’iideystay.

Gabogabadii munaasabadda waxaa Shahaado Sharaf lagu guddoonsiiyay Macalimiintii iyo Hay’adda Albany oo taageeray qabsoomidda tababaraddan socday ku dhowaad muddo labo sano ah.









Previous Post

Wasiir Bashiir oo daah-furay kulan looga hadlayay doorka Macalimiinta Dugsiyada Qur’aanka

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Xoghayaha Guud ee INTERPOL

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Xoghayaha Guud ee INTERPOL

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Xoghayaha Guud ee INTERPOL

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In