Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Bashiir oo daah-furay kulan looga hadlayay doorka Macalimiinta Dugsiyada Qur’aanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiir Bashiir oo daah-furay kulan looga hadlayay doorka Macalimiinta Dugsiyada Qur’aanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xaquuqal Insaanka ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray kulan looga hadlayay Doorka macalimiinta Dugsiga Qur’aanka kariimka ay ku leeyihiin bulshada dhexdeeda.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka kala dhexeeyo macallinka dugsiyada Qur’aanka Kariimka, Waalidiinta iyo Carruurta dugsiyada Qur’aanka ee ay wax-baraan iyo dhibaatooyinka haysto oo ay ka mid yahiin; xarumaha laga furo dugsiyada Qur’aanka oo aan lasiinin ahmiyadda ay leeyahiin.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026

Mudane Bashiir Maxamed Jaamac Wasiirka Wasaaradda ayaa sheegay in waajib ballaaran ka saaranyahay Wasaaraddu xaquuqda carruurta Soomaaliyeed, si gaar ah kuwa macallimiinta waxbaraan xilligan.

“Ka Wasaarad ahaan waxaan ku howlanahay dejinta siyaasadda dowladda ay ka leedahay dugsiyada Qur’aanka Kariimka taas oo qeexayso horumarinta goobaha dugsiyada lagu furayo, xallinta caqabadaha jira iyo qurxinta suuradda ummadda Soomaaliyeed, si aan u helno carruur maskaxdooda caafimaad qabta iyo deegaan nadiif ah wax ku bartay oo ay mudnaanta kowaad ii tahay Qur’aanka kariima ah”.ayuu yiri Wasiirka.

Ugu dambayntii kulanka muhiimka ah waxaa sooo qaban-qaabiyay La-taliayaha arrimaha bulshada ee xafiiska Madaxqeynaha JFS Marwo Xaliimo Culusow, waxaana ka soo qeybgalay Macallimiinta dugsiyada Qur’aank kariimka ee Gobolka Banaadir, Culimaa’udiin Soomaaliyeed iyo madax ka socotay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Previous Post

Israel oo duqeysay Lubnaan iyo Xisbullah oo gantaallo ku weerartay xarummo ciidan

Next Post

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray mashruuc lagu tababaray in ka badan 350 qof oo ku saabsanaa la dagaalanka xagjirka

Next Post
Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray mashruuc lagu tababaray in ka badan 350 qof oo ku saabsanaa la dagaalanka xagjirka

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray mashruuc lagu tababaray in ka badan 350 qof oo ku saabsanaa la dagaalanka xagjirka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In