Wednesday, February 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo tababar u furay xubno ka kala socday shirkadaaha Filmada iyo Warbaahinta kale

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo tababar u furay xubno ka kala socday shirkadaaha Filmada iyo  Warbaahinta kale
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tababarkan oo socon doona muddo 5 maalmood ah ayna soo qaban qaabisay Wakaaladda Filmada ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa furitaankiisa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Ku-simaha agaasimaha guud ahna agaasimaha maamulka iyo Maaliyadda Cabdinaasir Xasan Xuseen, Prof Cabdullaahi Sheikh Cali Qaloocow Wasiir ku-xigeenkii hore ee Maaliyadda iyo qaar kamid ah agaasimeyaasha waaxyaha ee Wasaaradda.

Inta uu socdo waxaa lagu baran doonaa casharo laxiriira habka sameynta iyo soo saarista Filmada bulshada loo gudbinayo, waxaana bixinayaa khabiir sare Cabdulqaadir Axmed Buufalo oo hore uga tirsanaan jiray maamulkii Wakaaladda Filmada Soomaaliyeed xiligii dowladii dhexe ee Soomaaliya.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadaan

Madaxweynaha JFS oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadaan

February 17, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadan

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadan

February 17, 2026

Ku-simaha agaasimaha guud Cabdinaasir Xasan Xuseen ayaa kula dardaarmay ka qeybgalayaasha tababarka in ay ka faa’iideystaan, isagoo xusey tababar nuucaan ah ay dunida qiimo weyn ah ku fadhiyaan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo si rasmi ah u furay tababarkan wuxuu si weyn uga hadlay muhiimada ay leeyihiin Filmada gaagaaban ee bulshada loo gudbinayo, kuwaasi oo xambaarsan fariimo wacyigelineed oo nuuc kasta leh, wuxuuna bogaadiyay dadaalka uu bixinayo Cabdulqaadir Buufalo oo ah khabiir in muddo ah ku noolaa dalka Koonfur Afrika.

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta ayaa dadaal ugu jira sidii Wakaaladda Filmada oo kamid ah qeybaha Warbaahinta ee Wasaaradda maqaambkeedi dib loogu soo celin lahaa.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo warbixino ku saabsan howlgallada ka dhageystay Talisyada Ciidamada

Next Post

Senator Cabdixakiin Macalin : Heshiisyada caalamiga ah waxaa awood u leh inay gasho dowladda dhexe, wax door ah kuma lahan dowlad goboleedyadu

Next Post
Senator Cabdixakiin Macalin : Heshiisyada caalamiga ah waxaa awood u leh inay gasho dowladda dhexe, wax door ah kuma lahan dowlad goboleedyadu

Senator Cabdixakiin Macalin : Heshiisyada caalamiga ah waxaa awood u leh inay gasho dowladda dhexe, wax door ah kuma lahan dowlad goboleedyadu

Madaxweynaha JFS oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadaan

Madaxweynaha JFS oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadaan

February 17, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Islaamka bilashada bisha barakeysan...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadan

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadan

February 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay curashada bisha Barakaysan ee Ramadaan, ayaa ugu...

Wasaaradda Shaqada XFS oo Muqdisho ku qabatay shirka Isku-duwidda Ilaalinta Bulshada

Wasaaradda Shaqada XFS oo Muqdisho ku qabatay shirka Isku-duwidda Ilaalinta Bulshada

February 17, 2026
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay Shirka Isku-duwidda Ilaalinta Bulshada (Social Protection...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan qado ah ku maamuusay xubnaha Golaha Mustaqbalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan qado ah ku maamuusay xubnaha Golaha Mustaqbalka

February 17, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan qado ah maanta ku maamuusay xubnaha Madasha Mustaqbalka ee ajiibay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In