Saturday, February 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Fanaankii Faarax Siidow Faarax

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Fanaankii Faarax Siidow Faarax
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya, mudane Cismaan Abokor Dubbe ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu tacsiyeeyay geerida fanaankii Qaranka Allaha u naxariistee, Faarax Siidow Faarax oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Wasiirka Cismaan Dubbe, oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in fanaanku uu ka mid ahaa hal abuurada ugu waa weynaa oo Qaranka u soo hurey wax kasta, isla markaana dhaxal lama ilaabaan ah uga tagay dadka Soomaaliyeed, isagoo si gaar ah tacsi ugu diray ehelada iyo asaxaabtii uu ka baxay Marxuum Faarax Siidow Faarax.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

February 28, 2026
Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo kulan Afurin ah ku qabatay xarunta Safaaradda ee magaalada Nairobi

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo kulan Afurin ah ku qabatay xarunta Safaaradda ee magaalada Nairobi

February 28, 2026

Allaha u naxariistee geerida Marxuum Faarax Siidow Faarax waxaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay wiilkiisa oo lagu magacaabo Maxamuud Faarax Siidow.

Marxuumka waxa uu ifka kaga tegay hal xaas iyo 13 carruur ah, waxaana magaciisa saxda ah la oran jiray Faarax Cali Faarax, balse waxa uu caan ku ahaa magaca Faarax Siidow Faarax.

Allaha u naxariistee Marxuum Faarax mar uu wareysi siiyay Telefishinka Qaranka 6-dii April sanadkii 2018-ka waxa uu sheegay in uu Qur’aanka dhameeyay isagoo sideed jir ah, isla markaana uu Abtigiisa u soo raacay Muqdisho,

Sanadkii 1993-kii ayuu ku soo biiray fanka, isagoo hees u qabtay sanadkii 1965 keydka hadlaka ee Radio Muqdisho.

Marxuumka ayaa yaraantiisa waxa uu tirin jiray gabayo, isagoo suugaan u qaadi jiray Xisbigii Leegada, isla markaana waxa uu ka mid ahaa aas aasayaasha cayaaraha Hidaha iyo dhaqanka.

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta ayaa fanaaninta Hobolada Qaranka ee Waaberi iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Fanaankii caanka ahaa Marxuum Faarax Siidow Faarax.

Previous Post

Wafdi ka socda Wasaaradda Qorsheynta oo u kuurgalaya hirgelinta mashruuca biyoole

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo shacabka Soomaaliyeed uga digay khatarta cudurka COVID-19 oo soo laba kacleeyay

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay bariga gobolka Hiiraan, kaas oo qayb ka...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo kulan Afurin ah ku qabatay xarunta Safaaradda ee magaalada Nairobi

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo kulan Afurin ah ku qabatay xarunta Safaaradda ee magaalada Nairobi

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(NAIROBI):-Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nairobi ayaa martigelisay  Cashadii Sannadlaha ahayd ee Afurka, taas oo xalay lagu qabtay Xarunta...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Cumar, ayaa kulan la qaatay Wasiirka ku xigeenka Arrimaha Dibadda...

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 28, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In