Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka hadlay Ansixinta ku biiritaanka Soomaaliya ee EAC 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka hadlay Ansixinta ku biiritaanka Soomaaliya ee EAC 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taariikh cusub ayaa u qormeysa.Shir Madaxeedka 23-aad ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika waxaa uu magaalada Arusha ee dalka Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania ku ansixiyay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah xubin uga noqoto ururka, noqotana xubintii 8aad ee urur goboleedka.

Marxaladdan muhiimka ah ,waxa ay daliil u tahay dedaalka hagar la’aanta ah ee uu muujiyey Madaxweynaheenna Dr Xasan Sheekh Maxamud oo fulinaya qeyb ka mid ah siyaasadda arrimaha dibedda ee ‘’Somali dunida iyo deriskeedaba heshiis la ah’’, iyo weliba dadaallada adag ee ay dowladeena iyo shacabka Soomaaliyeed gacanta uga wada geysteen ka mira dhalinta gaarista hadafkan.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Go’aanka ah in Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqoto ururkan sharafta leh waxa ay muujinaysaa sida wadajirka ah ee madaxda iyo shacabka Bariga Afrika uga go’an tahay kobcinta horumarka, xasilloonida, iyo iskaashiga gobolka.

Runtii waxaa sharaf iyo qadarin mudan kalsoonida iyo taageerada ay na siiyeen dowladaha xubnaha ka ah ururkan. Inagoo og in xubin ka noqoshada ururkan ay ka ratibmeyso waajibaad iyo door waxqabad, ayaa waxaan caddeynayaa inaan diyaar u nahay inaan gudano mas’uuliyadda inooga aaddan, isla markaana aan ka dhex muuqano sameynta go’aamada masiiriga ah ee gobolka Bariga Afrika.

Waxaa naga go’an inaan la imaano wax-qabad wanaagsan oo macno leh kaas oo Somalia ka sokow ay ka faa’iideysan doonaan guud ahaan dadyowga gobolka, inagoo raaceyna nidaam la isla oggol yahay oo danaha Somalia ay si weyn uga muuqdaan.

Waxaan aaminsanahay in haddii la helo iskaashi, isfaham iyo wadashaqeyn, inaan si wadajir ah u gaari karno xasillooni iyo horumar waara oo ka hanaqaada deegaankeenna. Si wadajir ah, waxaan uga shaqeyn doonnaa mustaqbal ifaya oo barwaaqaysan oo waxtar u leh dhammaan dadyowga gobolka ku nool.

Waxan u mahadcelinaynaa Dowladda Jamhuuriyadda Midowdey ee Tanzania oo si maqam sare leh noogu soo dhoweysay magaalada Arusha, iyo dhammaan madaxda kale ee ururka ee go’aankaan taariikhiga qalinka ku wada duugay.

Previous Post

UAE and Somalia sign agreement on water wells project

Next Post

Shirka Madasha Qaxootiga oo ka furmay Muqdisho

Next Post
Shirka Madasha Qaxootiga oo ka furmay Muqdisho

Shirka Madasha Qaxootiga oo ka furmay Muqdisho

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In