Monday, February 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Kampala kula kulmay dhigiisa Uganda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Kampala kula kulmay dhigiisa Uganda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo wafdi uu hogaaminayo oo socdaal shaqo ku tegay magaalada Kampala ee xarunta Dalka Uganda ayaa halkaasi kula kulmay Wasiirka Warfaafinta, Isgaariinta iyo Teknoloojiyada ee Uganda Frank Tumwebaze.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen xagga tabbarsiinta shaqaalaha dowladda, isla markaana ay isdhaafsadaan macluumaadka xagga wararka.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

Wasiirka Warfaafinta, Isgaariinta iyo Teknoloojiyada ee Uganda Frank Tumwebaze ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay kulanka uu la qaatay dhigiisa Soomaaliya, isagoo xusay in labada dal Soomaaliya iyo Uganda ay ka dhexeyso xiriir soo jireen ah.

Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in kulanka uu la qaatay dhigiisa Uganda Mr Frank Tumwebaze ay kaga wada hadleen arrimo ay ka midtahay xoojinta xiriirka labada Wasaaradood iyo sidii ay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya uga caawin lahaayeen xagga tababbarada.

“Waxaan maanta dalka Uganda kula kulmay Wasiirka Warfaafinta, teknoloojiyada , waxaana isla garanay in la xoojiyo xiriirka labada dhinac, in ay tabbaro siiyaan shaqaalaha, waxaana isku afgaranay inaan kala saxiixano heshiisyo dhowr qodob ka kooban oo ay kamidtahay inay naga caawiyaan dhanka aqoonta iyo Telefishinada Soomaalida laga dhigo kuwa muuqaalkoda tayo leh oo meelkasta oo gudaha dalkana laga daawan karo” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya,

   

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Faallo: Maku dhiiran laheyd in aad ku Dagaal gasho Hub bilaa Rasaas ah, taageerana laheyn!?

Next Post
Faallo: Maku dhiiran laheyd in aad ku Dagaal gasho Hub bilaa Rasaas ah, taageerana laheyn!?

Faallo: Maku dhiiran laheyd in aad ku Dagaal gasho Hub bilaa Rasaas ah, taageerana laheyn!?

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In