Monday, August 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Kampala kula kulmay dhigiisa Uganda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Kampala kula kulmay dhigiisa Uganda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo wafdi uu hogaaminayo oo socdaal shaqo ku tegay magaalada Kampala ee xarunta Dalka Uganda ayaa halkaasi kula kulmay Wasiirka Warfaafinta, Isgaariinta iyo Teknoloojiyada ee Uganda Frank Tumwebaze.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen xagga tabbarsiinta shaqaalaha dowladda, isla markaana ay isdhaafsadaan macluumaadka xagga wararka.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar dhulka ah ku gaaray Degmada Cadaado

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar dhulka ah ku gaaray Degmada Cadaado

August 16, 2026
Ku-simaha Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Ku-simaha Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

August 16, 2026

Wasiirka Warfaafinta, Isgaariinta iyo Teknoloojiyada ee Uganda Frank Tumwebaze ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay kulanka uu la qaatay dhigiisa Soomaaliya, isagoo xusay in labada dal Soomaaliya iyo Uganda ay ka dhexeyso xiriir soo jireen ah.

Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in kulanka uu la qaatay dhigiisa Uganda Mr Frank Tumwebaze ay kaga wada hadleen arrimo ay ka midtahay xoojinta xiriirka labada Wasaaradood iyo sidii ay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya uga caawin lahaayeen xagga tababbarada.

“Waxaan maanta dalka Uganda kula kulmay Wasiirka Warfaafinta, teknoloojiyada , waxaana isla garanay in la xoojiyo xiriirka labada dhinac, in ay tabbaro siiyaan shaqaalaha, waxaana isku afgaranay inaan kala saxiixano heshiisyo dhowr qodob ka kooban oo ay kamidtahay inay naga caawiyaan dhanka aqoonta iyo Telefishinada Soomaalida laga dhigo kuwa muuqaalkoda tayo leh oo meelkasta oo gudaha dalkana laga daawan karo” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya,

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Faallo: Maku dhiiran laheyd in aad ku Dagaal gasho Hub bilaa Rasaas ah, taageerana laheyn!?

Next Post
Faallo: Maku dhiiran laheyd in aad ku Dagaal gasho Hub bilaa Rasaas ah, taageerana laheyn!?

Faallo: Maku dhiiran laheyd in aad ku Dagaal gasho Hub bilaa Rasaas ah, taageerana laheyn!?

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar dhulka ah ku gaaray Degmada Cadaado

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar dhulka ah ku gaaray Degmada Cadaado

August 16, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa...

Ku-simaha Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Ku-simaha Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

August 16, 2026
0

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka DWBS, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jabriil ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay ku xigeenka Ergayga...

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

August 16, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka tababar ugu soo xiray Galgaduud

August 16, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dugsiga Xananbuure ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In