Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday xarunta Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
2 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday xarunta Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO(BEIJING):-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdigataax Qaasim Maxamuud, oo magaalada Beijing ee xarunta dalka Shiinaha ku jooga safar shaqo oo rasmi ah iyo ka qayb-galka Madasha 7-aad ee arrimaha Warfaafinta ee Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha iyo Qaaradda Africa, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, halkaas oo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha Amb. Marwo Hodan Cismaan Cabdi iyo diblomaasiyiinta kale ee Safaaradda.

Danjire Hodan Cismaan, ayaa Wasiirka Warfaafinta XFS uga warbixisay howlaha Qaran ee ka socda Safaaradda iyo dedaallada ay muddadii lasoo dhaafay ku bixisay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha, iyadoo sheegtay inay diyaar u yihiin sidii ay mar walba muuqaal wanaagsan uga bixin lahaayeen dalkeena Soomaaliya.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Wasiir Cabdifataax Qaasim, ayaa dhankiisa bogaadiyay dadaalka joogtada ah ee ay goor-walba bixiyaan Danjire Hodon iyo Diplomaasiyiinta kale ee Safaaradda, kuwaas oo Qarankooda ugu adeega si daacadnimo ah iyagoo si hufan dalkeena ugu metela fagaarayaasha caalamka iyo kuwa dalka Shiinaha.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa Danjire Hodan Cismaan Cabdi iyo Diplomaasiyiinta kale ee Safaaradda uga mahadceliyay soo dhaweynta qiimaha leh ee ay xarunta Safaaradda ugu sameeyeen Wasiirka iyo xubnaha wafdigiisa.

 

 

Previous Post

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

Next Post

Kaaliyaha taliyaha CXDS oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ka socda Isbahaysiga IMCTC

Next Post
Kaaliyaha taliyaha CXDS oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ka socda Isbahaysiga IMCTC

Kaaliyaha taliyaha CXDS oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ka socda Isbahaysiga IMCTC

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In