Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Safiirka Qatar ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Safiirka Qatar ee Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya mudane, Cusmaan Abuukar Dubbe oo uu wehliyay Agaasimaha Wakaaladda Wararka SONNA Cali Cabdulqaadir Cali ayaa maanta kulan la yeeshey danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya mudane, Xasan Bin Xamza.

Kulankan oo ka dhacay xarunta safaaradda Dowladda Qatar ee Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray arrimo ay kamid yihiin xoojinta wada shaqeynta Wasaaradda iyo Qatar in laga wada shaqeeyo horumarinta warbaahinta iyo in ay iskaashi yeeshaan warbaahinta labada Dal.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026

Mudane Dubbe ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo shacabka Qatar is garabtaagga Soomaaliya gaar ahaan mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qatar ay ka fulineyso Soomaaliya, wuxuuna si gaar ah u soo hadal qaadday dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo meel wanaagsan maraya, halkaasi oo dhawaan uu kormeer ku tagay Wasiir Dubbe.

Safiirka Qatar ee Soomaaliya mudane Xasan Bin Xamsa ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin markasta xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada Dowladood, wuxuuna soo dhaweeyay qorshaha ku aaddan isku xirka iyo iskaashiga warbaahinta labada Dal, sida Wakaaladaha Wararka, Telefeshinnada iyo Idaacadaha, wuxuuna ballan qaaday in taageero dhanka tababarada iyo qalabaynta ah ay u fidin doonaan Warbaahinta.

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirtay sidii loo horumarin lahaa tayada warbaahinta, dhinacyada tababarrada shaqaalaha, dhismaha iyo qalabaynta, si adeegga bulshada loo hayo sare loogu qaado, si ay ula jaanqaaddo warbaahinta kale ee Caalamka.

Previous Post

Taliyeyaashii ugu sareeyay ciidanka TPLF oo dowladda Itoobiya isku dhiibay

Next Post

Wasiiru dowlaha Amniga “Saraakiishii iyo ciidamadii ku lugta lahaa dilkii guddoomiyaha degmada Hodan gacanta ayaa lagu dhigay”

Next Post

Wasiiru dowlaha Amniga “Saraakiishii iyo ciidamadii ku lugta lahaa dilkii guddoomiyaha degmada Hodan gacanta ayaa lagu dhigay”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026
0

Xubno sare oo ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay Hogaaninneeysay Senator Duniyo Maxamed Cali ayaa olole doorasho...

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Sophos Sophianos, Madaxa Barnaamijyada ee Hay’adda UN-Habitat Somalia, oo booqasho shaqo ku...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

September 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In