Saturday, September 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
1 year ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika (AUSSOM), Mudane El Hadji Ibrahima Diene.

Wasiirka iyo Wakiilka Midowga Afrika ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga, xasillinta, wacyigelinta bulshada, la dagaallanka argagixisada iyo ka hortagga wararka been abuurka ah.

Related posts

Munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga oo lagu qabtay Muqdisho

September 19, 2026
Mudaneyaasha Golaha Shacabka oo buuxiyay boosas banaanaa

Mudaneyaasha Golaha Shacabka oo buuxiyay boosas banaanaa

September 19, 2026

Labada mas’uul ayaa si gaar ah diiradda u saaray guulaha laga gaaray hawlgallada ka dhanka ah argagixisada, kuwaas oo horseeday in cadowga lagu wiiqo goobaha dagaalka. Sidoo kale, waxaa la isla gartay in la dardargeliyo iskaashiga labada dhinac si loo sii xoojiyo dadaallada nabadeynta iyo xoreynta dalka.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa Midowga Afrika uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta dhinacyada warbaahinta, wacyigelinta iyo la dagaallanka argagixisada.

Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Mudane El Hadji Ibrahima Diene, ayaa dhankiisa ballan qaaday in Midowga Afrika uu sii laba jibbaarayo kaalintiisa, isagoo xusay in Soomaaliya ay horumar muuqda ka samaysay dhinacyo badan, taasoo ka tarjumeysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, Ku-Xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Mudane Mukhtar Osman Kariye, Taliyaha Guud ee Ciidamada AUSSOM, General Samuel Kavuma, iyo mas’uuliyiin kale.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

Next Post

Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday seddex heshiis oo kor u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed

Next Post
Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday seddex heshiis oo kor u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday seddex heshiis oo kor u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed

Munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga oo lagu qabtay Muqdisho

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), kaas oo lagu...

Mudaneyaasha Golaha Shacabka oo buuxiyay boosas banaanaa

Mudaneyaasha Golaha Shacabka oo buuxiyay boosas banaanaa

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey laba xubnood oo buuxinaya boosaskii ka bannaanaa Guddiga Madaxa-bannaan...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Wasiirka Difaaca ee dalka Shiinaha

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Wasiirka Difaaca ee dalka Shiinaha

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Wasiirka Difaaca Shiinaha,...

TACSI:Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadaysay geerida ku timi Weriye Maxamed Muudey(Boqorka Bartamaha)

TACSI:Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadaysay geerida ku timi Weriye Maxamed Muudey(Boqorka Bartamaha)

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In