Thursday, January 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Masuuliyiinta Madbacadda Qaranka faray dar-dargalinta howlaha Wakaaladda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS oo Masuuliyiinta Madbacadda Qaranka faray dar-dargalinta howlaha Wakaaladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweis Jaamac ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatey Maareeye Ku-Xigeennada Wakaaladda Madbacadda Qaranka Cabdikariim Maxamed Digaalle (Xanaano )

Wasiirka ayaa mas’uuliyiintaasi kala hadley sidii dib rasmi ahaan loogu hawlgelin lahaa adeegyadii ay Madbacadda Qaranka u qaban jirtey dalka, kuwaas oo muhiim u ah habsami u socodka hawlaha dowladda iyo shacabka intaba.

Related posts

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

January 14, 2026
Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

January 14, 2026

Waxaa Wasiirku uu mas’uuliyiintaasi ku booriyay inay soo diyaariyaan qorshaha farsamo ee dib u hawlgelinta adeegyada madbacadda oo hakad uu ku yimid burburkii dalka ka dhacay kadib.

Maareeye Ku-Xigeennada Wakaaladda Madbacadda Qaranka Cabdikariim Maxamed Digaalle (Xanaano ) iyo Maxamed-Deeq Cabdi Madar ( Haldhaa) ayaa dhankooda ballanqaadey inay dar dar gelin doonaan waajibaadkooda hawlgelinta adeegyada Madbacadda, soona dhoweeyay dadaalka Wasiirku ku doonayo in Wakaaladda Madbacadda Qaranka ay bilowdo bixinta adeegyadii loo abuuray.

Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdullaahi Xayir Ducaale.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Safiirka Imaaraadka iyo Xildhibaanno

Next Post

SoDMA oo maamulka G/Banaadir ku wareejisay shixnad gargaar ah

Next Post
SoDMA oo maamulka G/Banaadir ku wareejisay shixnad gargaar ah

SoDMA oo maamulka G/Banaadir ku wareejisay shixnad gargaar ah

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

January 14, 2026
0

Howlgal culus oo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen nawaaxiga deegaanka Buulo-Xaaji ee...

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

January 14, 2026
0

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee golaha Aqalka Sare ee BJFS Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ...

Wafdiga Dowladda JFS oo qado sharaf loogu sameeyay Laascaanood

Wafdiga Dowladda JFS oo qado sharaf loogu sameeyay Laascaanood

January 14, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduullaahi Cali Xersi (Timacadde), oo ay wehliyaan Wasiirada...

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

January 14, 2026
0

Waxaa magaalada Moqdisho ku soo gabagaboobay, Shirka Ka-Jawaabista Abaaraha iyo Amni-Darrada Cuntada dalka kadib dood iyo xog is-weydaarsi miro-dhal ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In