Saturday, February 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu.

Kulankaasi ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada dhaqanka iyo warbaahinta, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen doonista sii ballaarinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dowladood.

Related posts

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

February 7, 2026
Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

February 7, 2026

Wasiirka iyo Safiirka ayaa ugu horeyn si wadajir ah u kormeeray Keydka Codadka Taariikhiga ah ee Radio Muqdisho, halkaas oo ay warbixin kooban oo ku saabsan xaaladda keydka ay ka dhageysteen khubarada Keydka Qaranka iyo qorshaha Wasaaradda ee casriyeynta keydka (digitalization).

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa intaa kadib waxay booqdeen Xarunta Golaha Murtida iyo Madadaalada, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyay.

Masuuliyiinta ayaa waxaa sii diiran usoo dhoweeyay Hoballada Qaranka ee Waaberi, oo uu horkacayay Maareeye Ku-Xigeenka ahna Ku-Simaha Maareeyaha Guud ee Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka Mudane Maki Xaaji Banaadir.

Booqashada Xarunta Tiyaatarka ayaa la xiriirtay qorshe la doonayo in dib u habeen casri ah lagu sameeyo xaruntan oo udub dhexaad u ah horumarinta suugaanta, dhaqanka, wacyigelinta iyo isdhexgalka bulshada.

Intii ay booqashadu socotay, Hoballada Waaberi ayaa soo bandhigay heeso luuqadaha Soomaaliga iyo Shiinaha ah ay ku sameeyeen, iyo ciyaaro dhaqameed.

Wasiirka Warfaafinta, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa uga mahadceliyay Safiirka booqashadiisa iyo taageerada joogtada ah ee Shiinaha, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka qotada dheer ee labada dal.

Wasiirku waxaa uu xusay in sanadkan la xusayo 65 sano oo xiriir saaxiibtinimo ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, wuxuuna yiri:

“Soomaaliya iyo Shiinaha waxa ka dhexeeya xiriir qoto dheer oo dhidibada u aasnaa tan iyo xornimadii, Waxaan si weyn u qadarinaynaa taageerada joogtada ah ee aan ka helno Dowladda Shiinaha, gaar ahaan dhanka dhaqanka iyo warbaahinta.”

‘’Booqashada Safiirka ee Golaha Murtida ee maanta waa mid calaamad u ah saaxiibtinimada ee labada dal iyo xiriirka muddada dheer soo jiray’’ ayuu yiri Wasiirka.

Safiirka Shiinaha danjire Wang Yu ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay booqashada Golaha Murtida Qaranka iyo bandhigga ay sameeyeen Hoballada Waaberi.

Safiirka ayaa intaa ku darey in Dowladda Shiinaha ay ka go’antahay inay sii waddo taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka dhaqanka iyo warbaahinta, isla markaana uu u arko in Golaha Murtida uu yahay astaan dhaqan oo heer qaran ah.

Ugu dambeyn, Wasiirka Warfaafinta ayaa Safiirka Shiinaha ku maamuusay laba sawir-gacmeed oo ay soo diyaariyeen Qeybta Farshaxanka Waaberi, mid ka mid ahna uu yahay sawir gacmeedka labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo China oo ka tarjumaya kulankii ugu dambeeyay ee labada Madaxweyne ee ka dhacay magaalada Beijing ee caasimadda China.

Wasiirka waxa kulanka iyo booqashada ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimaha Waaxda Istaraatiijiyadda Warbaahinta, Mudane Cabdishakuur Cali Axmed, iyo Agaasimaha Telefishinka Qaranka, Mudane Maxamedkafi Sheekh Abukar.

Previous Post

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra'iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JABUUTI):-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed, ayaa si rasmi ah loogu doortay xilka Madaxweyne Ku-xigeenka Ururka Kubadda...

Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Prof. Salim Caliyow Ibrow, ayaa si faahfaahsan uga...

Munaasabad lagu soo dhaweynayo Wasiirka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu qabtay dalka UK

Munaasabad lagu soo dhaweynayo Wasiirka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu qabtay dalka UK

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LONDON):-Magaalada London ee Caasimadda Dalka UK waxaa xalay lagu qabtay munaasabad si weyn loogu soo dhaweeyay masuuliyiin uu hoggaaminayo...

Soomaaliya oo sanadkan ka qayb galaysa dhoolla-tuska badda ee dalalka caalamka

Soomaaliya oo sanadkan ka qayb galaysa dhoolla-tuska badda ee dalalka caalamka

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya ayaa ku biirtay dhoolatus ballaaran oo ay wadajir u sameynayaan ciidamada badda dalal dhowr ah, kaas oo ujeeddadiisu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In