Thursday, January 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka oo Xariga ka jaray Saalada Qaliinka guud ee Isbitaalka Martiini

caqiil by caqiil
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka oo Xariga ka jaray Saalada Qaliinka guud ee Isbitaalka Martiini
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xariga ka jaray Saalada qaliinka guud ee Isbitaalka Demartiino kadib dib u howlgalin, dayactir iyo qalabayn cusub oo lagu sameeyey saalada qaliinka iyo qaybaha gurmadka iyo gargaarka deg degga ah ee Isbitaalka.

Saalada qaliinka ayaa burbur xoogan soo gaaray kadib dab ka kacay aaladda suuxinta bishii March ee sanadkaan 2023 dabkaas oo khasaaro badan gaystay kuna bas beeleen dhamaan wixii agab iyo qalab yaalay qaybaha gubtay.

Related posts

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

January 14, 2026
Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

January 14, 2026

Wasiirka ayaa u mahadceliyay Ururuka dhaqaatiirta Soomaliyeed , Isbitaalada iyo xarumaha gaarga loo leeyahay iyo kuwa danta guud sida ay ugu soo gurmadeen una garab istaageen isbitaalka iyo saalada qaliinka wuxuuna Wasiirka bogaadiyay gurmadka isku tashiga ee Soomaalinimo ee suurta galiyay soo celinya adeeg bixinta Caafimaad ee daruuriga u ah Bulshada iyo sii wadida shaqada muhiimka ah ee uu bulshada u haayo Isbitaalka Demartino.

Munaasabad kooban oo ay ka soo qaybgaleen agaasimayaasha Isbitaalada, Agaasimaha machadka Qaran ee Caafimaadka Xoghayaha golaha mihnadlayaasha Caafimaadka iyo gudoomiyaha Ururuka dhaqaatiirta Soomaliyeed ayuu Wasiirka ku gudoonsiiyay shahaado sharaf xubnaha gudiga ahaa ee isku howlay gurmadka saalada qaliinka iyo qaybaha gurmadka deg degga ah ee Isbitaalka.

Wasiirka Caafimaadka ayaa ugu Mahadceliyay maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalka martiini shaqada adag ee ay u hayaan bulshadeena kuna bogaadiyay joogtaynta adeeg bixinta Caafimaadka kulana dardaarmay dardargelinta iyo tayeynta daryeelka Caafimaad ee uu Isbitaalka u fuliyo bulshada Soomaliyeed.

Previous Post

Ciidamada Israa’iil oo Shacab ah ku xasuuqday xerada Al-Maghazi

Next Post

Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Sare oo kulan qaatay Madaxda Wasaaradda Qorsheynta

Next Post
Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Sare oo kulan qaatay Madaxda Wasaaradda Qorsheynta

Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Sare oo kulan qaatay Madaxda Wasaaradda Qorsheynta

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

January 14, 2026
0

Howlgal culus oo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen nawaaxiga deegaanka Buulo-Xaaji ee...

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

January 14, 2026
0

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee golaha Aqalka Sare ee BJFS Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ...

Wafdiga Dowladda JFS oo qado sharaf loogu sameeyay Laascaanood

Wafdiga Dowladda JFS oo qado sharaf loogu sameeyay Laascaanood

January 14, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduullaahi Cali Xersi (Timacadde), oo ay wehliyaan Wasiirada...

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

January 14, 2026
0

Waxaa magaalada Moqdisho ku soo gabagaboobay, Shirka Ka-Jawaabista Abaaraha iyo Amni-Darrada Cuntada dalka kadib dood iyo xog is-weydaarsi miro-dhal ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In