Thursday, February 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta  oo ka qaybgalay kulan uu soo qabanqaabiyay Ururka Midnimada Ummadda Soomaaliyeed ee dalka Finland “SAWIRRO”

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta  oo ka qaybgalay kulan uu soo qabanqaabiyay Ururka Midnimada Ummadda Soomaaliyeed ee dalka Finland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta  oo ka qaybgalay kulan uu soo qabanqaabiyay Ururka Midnimada Ummadda Soomaaliyeed ee dalka Finland “SAWIRRO”

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr. Cumar Cali Rooble oo booqasho shaqo ku joogay Finland ayaa ka qaybgalay kulan uu ugu xog-warramayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Finland.

Related posts

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

February 19, 2026
Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

February 19, 2026

Kulankan ayaa waxaa ka soo qaybgalay qaar kamid ah Culimada, waxgaradka, aqoonyahanka, ganacsatada, dhallinyarada, siyaasiyiinta iyo Haweenka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan Finland.

Guddoomiyaha Ururka Midnimada Soomaaliyeed  Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Cabsiiye, Guddoomiye ku xigeenka Ururka Midnimada Soomaaliyeed Cabdulraxmaan Cabdi Raage (Yaaska) iyo Guddoomiyaha Golaha Guud ee Ururka Jaaliyadda Soomaaliyeed Maxamed Cabdi Alifleey oo ku hadlayay magaca Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland ayaa wasiirka ku soo dhoweeyay Xarunta Jaaliyadda oo ku taal magaalada Helsinki, Finland.
Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Finland oo aad u danaynaysay in ay wax ka ogaadaan waxqabadka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa wasiirka ka dhegeystay warbixin ku saabsan Hawlaha ay Wasaaraddiisu ummadda Soomaaliyeed u qabato, waxyaabaha u hirgalay intii uu Xilkan hayay iyo weliba guud ahaan xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa dhanka kale Soomaalida Finland u jeediyay Muxaadaro Diini ah oo si gaar ah u quseysay dadka muuqaalka xun Diinta Islaamka ka bixiya, Dhiigga iyo Maalka Muslimiintana bannaysta.
Wasiirka oo dhanka kale Finland kula kulmay Wasiirro iyo madax kale oo dowladda Finland ka tirsan ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland ku dhaqan ugu bishaareeyay in ka sokow iskaashiga labada dowladood u dhexeeya, uu dowladda Finland kala hadlay baahiyaha qaar ee ay Soomaalida Finland deggan qabto iyo in dalkan Finland laga furi doono Xafiis ay Dowladda Soomaaliya leedahay oo u adeegaya Jaaliyadda Soomaalida ee Finland.
Xafiiska ayaan dhanka kale ka shaqayn doono horumarinta xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Finland.
Waxaa xusid mudan in dowladda Finland ay ka mid tahay dowladaha Soomaaliya ka gacansiiya dib u habaynta Hay’adaha dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka shaqeeyay horumarinta bulshada, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo amniga.
Wasiirka ayaa ugu dambayntii bogaadiyay isku-duubnida iyo dadaalka ay Soomaalida Finland ku dhaqan muujisay, marka la barbardhigo jaaliyadaha kale. Wuxuu sidoo kale wasiirku Jaaliyadda ku booriyay in carruurta iyo jiilka soo koraya ee Finland ku nool xilliyada fasaxa dalka dib loogu soo celiyo, si ay u soo bartaan una soo arkaan halka uu asalkoodu ka soo jeedo.

Soomaalida Finland ku dhaqan oo lagu qiyaaso tiro waxyar ka badan 20,000 oo qofood ayaa dalkan soo degay horraantii sagaashamaadkii, xilligaas oo ay dowladdii dhexe ee Soomaaliya burburtay. Laamaha Siyaasadda, Ganacsiga, Shaqooyinka la xiriira daryeelka iyo addeegga bulshada, Waxbarashada, daryeelka caafimaadka iyo gaadiidkaba waxaad ka heleysaa dad Soomaaliyeed oo ka shaqaynaya.

Previous Post

Senator C/Xakiin Macalin Axmed oo 3-kun ugu deeqay dayac-tirka garoonka kubadda cagta Dhuusamareeb

Next Post

Madaxweynaha Jubbaland oo si diirran loogu soo dhaweeyey Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Jubbaland oo si diirran loogu soo dhaweeyey Muqdisho “SAWIRRO”

Madaxweynaha Jubbaland oo si diirran loogu soo dhaweeyey Muqdisho "SAWIRRO"

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

February 19, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 19 Febraayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, kaas oo...

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

February 19, 2026
0

Muqdisho, Feberaayo 19, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku soo dhoweeyay Masuuliyiinta...

Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay Siyaasadda Madaxda Qaranka ay ku wajaheen dagaalka Khawaarijta

Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay Siyaasadda Madaxda Qaranka ay ku wajaheen dagaalka Khawaarijta

February 19, 2026
0

Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in siyaasadda iyo diblomaasiyadda ay hoggaaminayaan madaxda qaranka ay horseed u noqotay in Soomaaliya hesho...

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

February 19, 2026
0

Madaxa xafiiska arrimaha Xajka ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, Dr. Khadar Xaaji Daahir, ayaa ka warbixiyay heshiis cusub...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In