Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo ku guuleystay Arimo Muhiim u ah Xujeyda Soomaaliyeed.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo ku guuleystay Arimo Muhiim u ah Xujeyda Soomaaliyeed.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasiirka Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Soomaaliya Xildhibaan: Sheekh Nuur Maxamed Xassan ayaa Maanta oo ay taariikhdu tahay 23/12/2018 kuna beegan 16/04/1440 Hijriyada, waxaa dalka sacuudiga   ugu bilawday booqasho rasmi ah oo uu maalmo kujoogi doono.
Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa sidiirran u qaabilay Wasiirka Xajka & Cumrada Sacuudiga Dr. Maxamed Salalax Bin Dahir Bintin, iyo Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Xajka & Cumrada Dr. Cabdilfataax Mashaad,
Masuuliyiintan ayaa yeeyashay kulan saacado qaatay soodhawyn kadib , Kulanka labada wasiir oo ahaa kulan aad muhiim ugu ah Soomaaliya ayaa waxaa looga wada hadlay Arrimaha Xajka.
Wafdiaga ka socday Soomaaliya ayaa laga dhageystay warbixino ku saabsan arrimaha xajka Soomaalida sanadkii hore sida ay ahayd, waxyaabaha ka dhinnaa, & faaiidooyinka lagaaray.
Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta waxey ugudbisay Wasaaradda Xajka Sacuudiga arrimaha xajka ee la rabo in ay helaan xujayda Soomaaliyeed
Dowladaha Somaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga  ayaa kuhishiiyay qodobo badan oo dhamaantood quseeya waxaa kamid ah in la kordhiyo tirada dadka Soomaaliyed ee sanadka soocoda gudandoona waajibaadka Xajka.
Tirada dadka soomaaliyeed ee sanadka soo socda xajin doona waxaa lagu daray 2,200 qof taas oo ka dhigan in tirada xujaajta Soomaalida sanadkan noqonayaan 11,500  halka sanadkii hore 9,300 oo qof oo Soomaali ah ay xajiyeen
Wasiirka Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Soomaaliya Xildhibaan: Sheekh Nuur Maxamed Xassan oo kusugan Dalka Sacuudiga ayaa sheegay in Xujaayda Soomaaliyeed loo ogolaado in Mina la giliyo
Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa islagartay  in aad loo wanaajiyo adeegyada lasiiyo Soomaalida, haddey ahaan lahayd, deegaannada gaadiidka  iyo cunnada.
Wasiirka waxaa kaloo uu sheegay in lagu ballamay in la dadajiyo soo saarista viisayaasha xajka iyo adeegyada kale ee xajka ee ay u baahanyihiin umadda Soomaaliyeed.
Wasiirka Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Soomaaliya Xildhibaan: Sheekh Nuur Maxamed Xassan ayaa la filayaa inta uu joogo Sacuudi arabia in uu lakulmi doono Mu’asasada carabta u qaabilsan adeegyada xujayda Soomaalida iyo dhamaan hay’addaha kale ee ay quseeyso Howlaha Xaj gudashada , si umadda Soomaaliyeed loogu Fududeeyo Dhamaan adeegyada ay u baahanyihiin xiliga ay gudanayaan Waajibaadka Xajka.
Previous Post

Dhammaadka Noloshii Macalin Axmed

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In