Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda XFS oo kulan dhiira-galin ah la qaatay hawl-wadeenada dumarka ee wasaaradda Cadaaladda

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda XFS oo kulan dhiira-galin ah la qaatay hawl-wadeenada dumarka ee wasaaradda Cadaaladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankaan oo qayb-ka ah kulamo joogto ah uu wasiirku bishiiba mar la qaato shaqalaha wasaaradda ayaa si gaar ah maanta waxuu kulan la qaatay dumarka shaqaalaha ka ah qaybaha kala duwan ee wasaaradda, sida agaasimayaasha waaxyada, madax qaybeedyada, kaaliyaasha, sharci-qorayaasha, iyo qareenada kaas oo uu ku dhiira-galiyay shaqada ay u hayaan wasaaradda, kuna amaanay doorkooda muga leh ee ku aadan arrimaha hormarinta garsoorka, cadaalad u samaynta bulshada, helista sharciyo u adeega dadwaynaha si gaar ah tix-galin u siiya inta dhibaateysan ee dumarku ka midka yahiin.

Dumarka wasaaradda ayaa wasiirka uga mahad-celiyay kaalintiisa ku aadan kor-u qaadida doorka dumarka ee shaqada garsoorka guud ahaan, gaar ahaan shaqaalaha wasaradda cadaalada, ayagoo si gaar ah uga mahad-celiyay in uu dhawaan laba dumar ah u dalacsiiyay darajada agaasime waax, oo aysan wasaaradu horay u lahayn, taas oo ka dhigan in dumarka haye xilalka sare sida agaasime waaxyada ay wasaaradda ka yahiin 50% marka raga loo eego. Sidoo kale waxay wasiirka uga mahad-celiyeed kor-u-qaadida aqoonta gabdhaha asagoo qoondo-fiican uga sameeyay deeqaha wax barasho ee loo qoondeeyay bahda garsoorka dalka, si loo helo dumar leh xirfada sharci-qorista, talo-bixinta arrimaha sharciyada, qaareenimada, garsoorida iyo adeegyada kale ee cadaalada.

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

Ugu danbeyntii kulanka wasiirka iyo shaqaalaha dumarka ah ee wasaaradda ayaa ku soo dhamaday talo ay dumarka shaqaalaha ahi u soo jeediyeen wasiirka oo ku aadan in uu sii laba-jibaaro awood-siinta dumarka ee dhanka shaqada iyo tix-galinta gaarka ah ee uu siiyo dumarka, si loo helo dumar leh kalsooni iyo xirfad aqooneed oo ay ugu adeegaan laanta garsoorka dalka oo qimayn la sameeyay lagu ogaaday in ay dumarku ku yaryahiin.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kulan la qaatay Wasiirka arrimaha dibedda Denmark+Sawirro

Next Post

Gudiga doorashooyinka Galmudug oo kormeeray xafunta Shiirkole ee Dhuusamareeb+Sawirro

Next Post
Gudiga doorashooyinka Galmudug oo kormeeray xafunta Shiirkole ee Dhuusamareeb+Sawirro

Gudiga doorashooyinka Galmudug oo kormeeray xafunta Shiirkole ee Dhuusamareeb+Sawirro

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In