Sunday, September 24, 2023
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda XFS oo kulan dhiira-galin ah la qaatay hawl-wadeenada dumarka ee wasaaradda Cadaaladda

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
November 6, 2019
in Wararka
0
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda XFS oo kulan dhiira-galin ah la qaatay hawl-wadeenada dumarka ee wasaaradda Cadaaladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankaan oo qayb-ka ah kulamo joogto ah uu wasiirku bishiiba mar la qaato shaqalaha wasaaradda ayaa si gaar ah maanta waxuu kulan la qaatay dumarka shaqaalaha ka ah qaybaha kala duwan ee wasaaradda, sida agaasimayaasha waaxyada, madax qaybeedyada, kaaliyaasha, sharci-qorayaasha, iyo qareenada kaas oo uu ku dhiira-galiyay shaqada ay u hayaan wasaaradda, kuna amaanay doorkooda muga leh ee ku aadan arrimaha hormarinta garsoorka, cadaalad u samaynta bulshada, helista sharciyo u adeega dadwaynaha si gaar ah tix-galin u siiya inta dhibaateysan ee dumarku ka midka yahiin.

Dumarka wasaaradda ayaa wasiirka uga mahad-celiyay kaalintiisa ku aadan kor-u qaadida doorka dumarka ee shaqada garsoorka guud ahaan, gaar ahaan shaqaalaha wasaradda cadaalada, ayagoo si gaar ah uga mahad-celiyay in uu dhawaan laba dumar ah u dalacsiiyay darajada agaasime waax, oo aysan wasaaradu horay u lahayn, taas oo ka dhigan in dumarka haye xilalka sare sida agaasime waaxyada ay wasaaradda ka yahiin 50% marka raga loo eego. Sidoo kale waxay wasiirka uga mahad-celiyeed kor-u-qaadida aqoonta gabdhaha asagoo qoondo-fiican uga sameeyay deeqaha wax barasho ee loo qoondeeyay bahda garsoorka dalka, si loo helo dumar leh xirfada sharci-qorista, talo-bixinta arrimaha sharciyada, qaareenimada, garsoorida iyo adeegyada kale ee cadaalada.

Related posts

Madaxweynaha Jubbaland oo saxiixay Saddex Xeer oo muhiim ah “SAWIRRO”

Madaxweynaha Jubbaland oo saxiixay Saddex Xeer oo muhiim ah “SAWIRRO”

September 24, 2023
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Khawaarijta oo jab xooggan loogu geystey deegaanno hoostaga Gobolka Mudug

September 24, 2023

Ugu danbeyntii kulanka wasiirka iyo shaqaalaha dumarka ah ee wasaaradda ayaa ku soo dhamaday talo ay dumarka shaqaalaha ahi u soo jeediyeen wasiirka oo ku aadan in uu sii laba-jibaaro awood-siinta dumarka ee dhanka shaqada iyo tix-galinta gaarka ah ee uu siiyo dumarka, si loo helo dumar leh kalsooni iyo xirfad aqooneed oo ay ugu adeegaan laanta garsoorka dalka oo qimayn la sameeyay lagu ogaaday in ay dumarku ku yaryahiin.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kulan la qaatay Wasiirka arrimaha dibedda Denmark+Sawirro

Next Post

Gudiga doorashooyinka Galmudug oo kormeeray xafunta Shiirkole ee Dhuusamareeb+Sawirro

Next Post
Gudiga doorashooyinka Galmudug oo kormeeray xafunta Shiirkole ee Dhuusamareeb+Sawirro

Gudiga doorashooyinka Galmudug oo kormeeray xafunta Shiirkole ee Dhuusamareeb+Sawirro

Madaxweynaha Jubbaland oo saxiixay Saddex Xeer oo muhiim ah “SAWIRRO”

Madaxweynaha Jubbaland oo saxiixay Saddex Xeer oo muhiim ah “SAWIRRO”

September 24, 2023
0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta sixiixay Xeerar Saddex ah, kuwaa oo kala ah:- 1. Xeerka...

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Khawaarijta oo jab xooggan loogu geystey deegaanno hoostaga Gobolka Mudug

September 24, 2023
0

Dhagaxdheer iyo Daaday oo hoostaga Caad ayaa lagu soo waramayaa in dagaal uu ka socdo ka dib markii Ciidanka xoogga,...

Mudane Ciise Guure oo soo xiray shir ay iskugu yimadeen madaxda rugta ganacsatada 

Mudane Ciise Guure oo soo xiray shir ay iskugu yimadeen madaxda rugta ganacsatada 

September 24, 2023
0

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure, ayaa soo xiray shir uu soo agaasimay Gobolka Banaadir...

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Khudbad ka jeediyay shir looga hadlaayo hormarinta Caafimaadka

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Khudbad ka jeediyay shir looga hadlaayo hormarinta Caafimaadka

September 24, 2023
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr Ali Haji Aden, ayaa Khudbad ka jeediyey Shir duceedka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In