Saturday, April 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya oo la kulmay Golaha Wasiiradda Dowlad Goboleedka Puntland

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya oo la kulmay Golaha Wasiiradda Dowlad Goboleedka Puntland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay kamid yihiin xubno katirsan Gudigga La-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka ee labada Aqal iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-U-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, ayaa waxay kulan la qaateen Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweyne Ku-Xigeenka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdixakiim Cameey oo horkacayay Golaha Wasiirda Puntland ayaa furay shirka.

Related posts

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026

“Haddaan nahay Puntland waxaan si kalsooni leh idinku ballanqaadeynaa inaan idinla shaqeyno, waxaa idin saaran waajibaad adag oo ay eegayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed, waxaa nahay garbihiina wadashaqeyn iyo inaan idin la talinnaba diyaar baan u nahay” ayuu yiri Mudane Camey oo la hadlayay Wasaaradda iyo labada Guddi.

Wasiir Cabdi Xoosh oo warbixin ku saabsan Tubta dhameeystirka Dastuurka la wadaagayay Golaha Wasiirada Puntland ayaa yiri

“Wasaaradda iyo labada Guddi waxay ku heshiyeen Qorshe-hawleedka idiin horyaalla oo ah Tubta lagu dhameeystirayo Dastuurka inaga oo dooneyna in aan ka tala gelinno dhammaan Dawlad Goboleedyada, rajo wayn ayaan ka qabaa inagga oo dhammaanteen gacmaha is heysanna inaan guul ka gaarno Geedi-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka”.

Dhankooda Guddoomiyeyaasha labada Guddi ee Wasaaradda ay shaqo wadaaga yihiin Mudane Maxamed Daahir Afrax iyo Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Kaamil ayaa waxay ka hadleen muhiimadda Tubta dhameeystirka Dastuurka.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-Xiggeenka iyo Golaha Wasiiradda Puntland ayaa waxay talooyin u soo jeediyeen Wasaaradda iyo labada Guddi.

Previous Post

Ciidanka Xoogga dalka oo Nabad diidka Alshabaab ka saaray Degmadda Sablaale ee Gobolka Sh.hoose

Next Post

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo baaq u dirtay dalladaha Wabarasho ee ka howl gala Soomaaliya

Next Post
Wasaaradda Waxbarashada XFS oo baaq u dirtay dalladaha Wabarasho ee ka howl gala Soomaaliya

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo baaq u dirtay dalladaha Wabarasho ee ka howl gala Soomaaliya

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim...

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026
0

Xubno ka socday Maamulka Safaaradda Soomaaliyaee  Kenya ayaa ka qeybgalay xaflad isbarasho oo ay soo qabanqaabiyeen ardyda Soomaalida ee wax...

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Mudane Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Kulan looga hadlaayey sugidda amniga Magaalada Beydhabo la qaatay...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In