Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta Oo Kulan Isbarasho Ah La Qaatay Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta Oo Kulan Isbarasho Ah La Qaatay Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif oo dar-dargalinaayo Shaqooyinka hortabinta u leh Wasaaradda, ayaa kulan Isbarasho ah la qaatay Agaasime Waaxeedyada kala duwan ee Wasaaradda. Si loo hubiyo habsami u socodka shaqada iyo diyaargarowga qorshaha xukuumadda ee Afarta sano ee soo socota.

Ugu horreyn Wasiirka, ayaa dhageestay Shaqooyinka iyo Barnaamijyada ka socda Wasaaradda waxaana qeyb walbo soo bandhigay Agaasime waaxeedyada oo faahfaahin muhiim ah, Wasiirka ka siiyey dadaalka Shaqo ee socda.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

April 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda XFS oo si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka Soomaaliya

Wasaaradda Gaadiidka Badda XFS oo si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka Soomaaliya

April 2, 2026

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif oo la hadlay Agaasime waaxeedyada, ayaa sheegay in Wasaaraddaan ay muhiim u tahay Shaqada Qaranka marka loo eego isbadalka xoogga leh ee ku dhacay duniyada, iyada oo laga faa’iideysanaayo Teknolojiyada Casriga ah “Wasaaraddaan waxa ay Muhiim u tahay Shaqada Qaranka anagana waxa ay noo tahay Muhiim, waxaa soo saari karnaa dhaqaalo badan oo looga kaaftoomo Dhaqaalaha meelaha kale ka yimaado oo weli dalka caqabad ku ah, waa in qof walbo ka shaqeeyaa sida loo xoojinlahaa habsami u socodka Shaqada”  Ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta Mudane Jaamac Xasan Khaliif.

Kulankaan Isbarashada ah waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Mudan Axmed Cismaan Diiriye, Wasiir ku-xigeenka Mudane Xuseen Axmed Culusoow, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Duwane Isaaq iyo Lataliyaasha Wasaaradda.

Previous Post

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Shir Guddoomiyey Shirka Amniga DGKGS

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa Oo Xilka U Kala Wareejiyey Wasiirka Cusub Ee Arrimaha Dibedda Iyo Ku-Simaha Wasiirkii Hore

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa Oo Xilka U Kala Wareejiyey Wasiirka Cusub Ee Arrimaha Dibedda Iyo Ku-Simaha Wasiirkii Hore

Ra'iisul Wasaare Xamsa Oo Xilka U Kala Wareejiyey Wasiirka Cusub Ee Arrimaha Dibedda Iyo Ku-Simaha Wasiirkii Hore

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

April 2, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey aqoon isweydaarsi ku saabsan Qiimeynta Khatarta Musuqmaasuqa, kaas oo socday muddadii...

Wasaaradda Gaadiidka Badda XFS oo si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka Soomaaliya

Wasaaradda Gaadiidka Badda XFS oo si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka Soomaaliya

April 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa maanta si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka...

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

April 1, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug soo gaarsiiyey Kaararka codbixiyaasha hore loo diiwaangeliyey,...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

April 1, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta booqday Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In