Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowlada federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa safiirka cusub ee dowladda Shiinaha u soo magacawday Soomaaliya, Mr. Fei Shengchao kaas oo ay kaga wada hadleen muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo horumarka ee u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah.
Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo kala saxiixday heshiisyo dhaxal-gal ah
Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa galabta ku kala saxiixday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya heshiisyo is-afgarad oo ku saabsan...