Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaq oo booqday Xaruunta Guud ee Caafimaadka Xoolaha Dalka Suudaan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaq oo booqday Xaruunta Guud ee Caafimaadka Xoolaha Dalka Suudaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Mudane Siciid Xuseen Ciid oo howlo shaqo u jooga Dalka Suudaan ayaa booqday Xarunta guud ee Caafimaadka Xoolaha iyo ka hortaga Cudurada Xoolaha ee Dalka Suudaan iyadoo ay wehelinaayeen Dr. Yuusuf Cali Raage Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Tababaradda iyo Dr.Cabdiraxmaan Cabdulqaadir Maxamuud Lataliyaha Wasiirka

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026

Waxaana kulamadaas  Wafdiga Booqashooyinka ku weheliyay Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee Suudaan Ibraahim Guure Maxamed  iyadoo kulamada qaarna uu goobjoog ka ahaa Safiirka Soomaaliya ee Suudaan Ambassador  Maxamed Cabdulaahi Ugaas.

Wasiir Saciid ayaa ugu horeyntii  la kulmaay maamulaha  Xarunta guud ee Caafimaadka Xoolaha iyo ka hortaga Cudurada Xoolaha ee Dalka Suudaan Dr.Khidir Mohamed Elfaki oo wasiirka siiyay warbixin kooban oo quseysa  Xarunta iyo habka ay u shaqeeso  iyadoo wafdigu wasiirku socod kusoo maren qaybaha kala duwan ee Xaruntaasi.

Wasiirka ayaa u mahadceliyay  Gudoomiyaha Xaruuntan Dr. Khadar Maxamed waxa uuna tibaaxay Wasiirka in ay waxbadan oo faa’ido leh Xaruuntan ku arkeen diyaarna u yihiin ka Wasaarad ahaan in ay iskaashi dhan walbo leh la sameeyaaan Xaruuntan

Dhanka kale Wasiirka ayaa sidoo kale Xafiiskiisa ku booqday  Dr. Daariq Muusa oo ah Agaasiimaha Guud ee ee ururka Jaamacada Carabta  u qaabilsan dhanka Beeraha iyo Xoolaha isagoo kala hadlay qaabkii ay isaga kaashan lahaayeen ururka jaamacada carabta xafiiskiisa  beeraha iyo xoolaha qaabilsan iyo Wasaaradda Xanaaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Soomaaliya waxayna isku afgarteen inay yeeshaan wadashaqayn dhow iyo qorshe wadashaqayn oo cusub.

Waxay Sidoo kale Wafdiga Wasiirku Booqasho ku tageen Jaamacada Khartuum Kuliyada Culuumta Xoolaha iyadoo kulan balaaran la yeeshay Madax kuliyada iyo Proffessorada wax kadhiga qaybtaas halkaas oo warbixin buuxda laga siiyay Jaamacada iyo kuliyada X.Xoolaha iyo faracyadeeda.

Booqashadiisa intii uu ku guda jiray Wasiirka ayaa waxaa  ku wehlinaayay  Wasiiru dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Dowladda Suudaan  Jacfar Axmed Cabdalla iyadoo lagu wado in dhawaan uu gaaro Wasiirka Magaalada Buurt Suudan oo ku taala maxsharka ugu ween ee xoolaha hoosyimaadana Dowladda Suudan

 

 

DSC01605 DSC01609 DSC01610 DSC01625 DSC01630 DSC01639 DSC01643 DSC01645 DSC01647 DSC01651 DSC01655 DSC01680 DSC01683 DSC01692 DSC01704 DSC01718

W/Q/ Cabaas Maxamed Nuur

 

Previous Post

Kulan looga hadlayay daryeelka naafada oo Cadaado lagu qabtay “Sawirro”

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeennimo ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In