Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaq oo booqday Xaruunta Guud ee Caafimaadka Xoolaha Dalka Suudaan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaq oo booqday Xaruunta Guud ee Caafimaadka Xoolaha Dalka Suudaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Mudane Siciid Xuseen Ciid oo howlo shaqo u jooga Dalka Suudaan ayaa booqday Xarunta guud ee Caafimaadka Xoolaha iyo ka hortaga Cudurada Xoolaha ee Dalka Suudaan iyadoo ay wehelinaayeen Dr. Yuusuf Cali Raage Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Tababaradda iyo Dr.Cabdiraxmaan Cabdulqaadir Maxamuud Lataliyaha Wasiirka

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026

Waxaana kulamadaas  Wafdiga Booqashooyinka ku weheliyay Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee Suudaan Ibraahim Guure Maxamed  iyadoo kulamada qaarna uu goobjoog ka ahaa Safiirka Soomaaliya ee Suudaan Ambassador  Maxamed Cabdulaahi Ugaas.

Wasiir Saciid ayaa ugu horeyntii  la kulmaay maamulaha  Xarunta guud ee Caafimaadka Xoolaha iyo ka hortaga Cudurada Xoolaha ee Dalka Suudaan Dr.Khidir Mohamed Elfaki oo wasiirka siiyay warbixin kooban oo quseysa  Xarunta iyo habka ay u shaqeeso  iyadoo wafdigu wasiirku socod kusoo maren qaybaha kala duwan ee Xaruntaasi.

Wasiirka ayaa u mahadceliyay  Gudoomiyaha Xaruuntan Dr. Khadar Maxamed waxa uuna tibaaxay Wasiirka in ay waxbadan oo faa’ido leh Xaruuntan ku arkeen diyaarna u yihiin ka Wasaarad ahaan in ay iskaashi dhan walbo leh la sameeyaaan Xaruuntan

Dhanka kale Wasiirka ayaa sidoo kale Xafiiskiisa ku booqday  Dr. Daariq Muusa oo ah Agaasiimaha Guud ee ee ururka Jaamacada Carabta  u qaabilsan dhanka Beeraha iyo Xoolaha isagoo kala hadlay qaabkii ay isaga kaashan lahaayeen ururka jaamacada carabta xafiiskiisa  beeraha iyo xoolaha qaabilsan iyo Wasaaradda Xanaaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Soomaaliya waxayna isku afgarteen inay yeeshaan wadashaqayn dhow iyo qorshe wadashaqayn oo cusub.

Waxay Sidoo kale Wafdiga Wasiirku Booqasho ku tageen Jaamacada Khartuum Kuliyada Culuumta Xoolaha iyadoo kulan balaaran la yeeshay Madax kuliyada iyo Proffessorada wax kadhiga qaybtaas halkaas oo warbixin buuxda laga siiyay Jaamacada iyo kuliyada X.Xoolaha iyo faracyadeeda.

Booqashadiisa intii uu ku guda jiray Wasiirka ayaa waxaa  ku wehlinaayay  Wasiiru dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Dowladda Suudaan  Jacfar Axmed Cabdalla iyadoo lagu wado in dhawaan uu gaaro Wasiirka Magaalada Buurt Suudan oo ku taala maxsharka ugu ween ee xoolaha hoosyimaadana Dowladda Suudan

 

 

DSC01605 DSC01609 DSC01610 DSC01625 DSC01630 DSC01639 DSC01643 DSC01645 DSC01647 DSC01651 DSC01655 DSC01680 DSC01683 DSC01692 DSC01704 DSC01718

W/Q/ Cabaas Maxamed Nuur

 

Previous Post

Kulan looga hadlayay daryeelka naafada oo Cadaado lagu qabtay “Sawirro”

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeennimo ee Radio Muqdisho

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ugu mahadceliyey Golaha Wasiirrada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In