Wednesday, October 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Waxbarashada Galmudug iyo wafdi la socday oo socdaal ku tegay deegaanno ka tirsan Galmudug “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 29, 2020
in Wararka
0
Wasiirka Waxbarashada Galmudug iyo wafdi la socday oo socdaal ku tegay deegaanno ka tirsan Galmudug “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa kormeer ku tegay deegaannada Xeraale, Lajiide, Towfiiq iyo Miirjiicleey oo ay xalay ku hooydeen.

Ujeedka socdaalka wafdiga Wasiirada ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ahaa mid ay ugu kuurgalayeen baahiyaha ka jira adeegga bulshada iyo abuuridda kalsooni shacabka, iyadoo shacabka laga dhageysanayo duruufaha ay ku suganyihiin.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

October 8, 2025
Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

October 8, 2025

“Dhul baaxad weyn oo ka mid ah dhulkii aan marnay wali waa jiilaal, halka meelaha qaarna uu roob culus ku da’ay, meelaha qaar waxaa ku habsaday Ayax fara-kabax ah. Intaan safarka ku jirnay waxaan la kulannay diyaarad  Helicopter oo ay saaranyihiin shaqaalaha Wasaaradda Beeraha Galmudug oo buufinaya Ayaxa. Diyaaraddu waa soo degtay waana la sheekeysannay sida xaaladdu tahay iyo waxa u qabsoomay maadaama uu nala socday Wasiirka Beeraha Galmudug”. Ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Galmudug.

Mudane Maxamed Xaashi Dhoore ayaa yiri “Intii aan safarka ku jirnay waxaan awoodda saarnay sidii shacabka loo dhiirigelin lahaa, loona dhisi lahaa kalsoonida ka dhexeysa shacabka iyo Dawladda, waxaana deegaannada aan kormeerka ku tegnay aan booqanay goobaha Waxbarashada”.

Safarka Wasiirka waxaa ku wehlinayay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Galmudug, Wasiirka Diinta iyo Aqaafta, Wasiirka Beeraha, Wasiiru Dowlaha Caafimaadka, Wasiir ku xigeenka Kalluumeysiga iyo Dekedaha iyo qaar ka mid ah Xildhibaannada Galmudug.

Previous Post

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay dhagar qabayaal ka tirsan Al-Shabaab

Next Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo dhagax-dhigay dib-u-dhiska Guriga Hooyooyinka ee Baxsan “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo dhagax-dhigay dib-u-dhiska Guriga Hooyooyinka ee Baxsan “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo dhagax-dhigay dib-u-dhiska Guriga Hooyooyinka ee Baxsan “SAWIRRO”

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

October 8, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

October 8, 2025
0

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey qaraar muhiim ah, kaas oo Soomaaliya ay kula soo wareegayso maareynta...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

October 8, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada saxaafadeed ee dhowaan lagu sheegay in Soomaaliya iyo Sweden ay wada...

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo galay maalintiisii labaad

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo galay maalintiisii labaad

October 8, 2025
0

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo sanadkan si rasmi ah loogu qabtay magaalada Muqdisho ayaa galay maalintiisii labaad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In