Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo dhagax-dhigay dib-u-dhiska Guriga Hooyooyinka ee Baxsan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo dhagax-dhigay dib-u-dhiska Guriga Hooyooyinka ee Baxsan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa dhagax-dhigay dib-u-dhiska guriga Hooyooyinka ee loogu magac daray fannaanadii Qaran ee Seynab Xaaji Cali Baxsan oo door weyn ka qaadatay wacyigelinta bulshada, xoojinta dareenka wadaniyadeed, dhaqanka, afka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

Dhismaha xarunta Hooyo Baxsan ayaa lagu dhisi doonaa barnaamijka isxilqaan ee horay loogu dhisay goobaha danta guud ee burburay dagaallada, intii ay dadka Soomaaliyeed sugi lahaayeen in dalkooda u dhisaan gacmo shisheeye.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa tilmaamay in fannaanadii qaran ee Seynab Xaaji Cali Baxsan ay kamid ahayd haldoorkii Soomaaliyeed ee kaalinta wanaagsan ka soo qaatay difaaca iyo horumarka dalka, dowladda Soomaaliyana ay mudnaan gaar ah siineyso halgamayaasha bulshada.

“Dib-u-dhiska Guriga Hooyooyinka ee loogu magac daray fannaanadii qaran ee Seynab Xaaji Cali Baxsan, waxuu kamid yahay xarumaha lagu dhisayo barnaamijka guuleystay ee isxilqaan oo ku yimid hal abuurkii Madaxweynaha, waxaana dadka Soomaaliyeed xasuusinayaa gacmahood in ay ku dhistaan dalkooda, intii ay sugi lahaayeen shisheeye”.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Gargaar, Taliyaha Ciidanka Asluubta, Xildhibaanno ka tirsan labada aqal, Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Haweenka Qaranka, Maareeyaha Wakaallada dhismaha Qaranka, Maareeyaha Tiyaatarka, Ehellada fannaanadii qaran ee Seynab Xaaji Cali Baxsan iyo marti Sharaf kale

Previous Post

Wasiirka Waxbarashada Galmudug iyo wafdi la socday oo socdaal ku tegay deegaanno ka tirsan Galmudug “SAWIRRO”

Next Post

IOM oo sheegtay inay caawisay ku dhawaad 40 qof oo Soomaali ah oo ka soo cararay dagaallada dalka Yemen

Next Post
IOM oo sheegtay inay caawisay ku dhawaad 40 qof oo Soomaali ah oo ka soo cararay dagaallada dalka Yemen

IOM oo sheegtay inay caawisay ku dhawaad 40 qof oo Soomaali ah oo ka soo cararay dagaallada dalka Yemen

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In