Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka waxbarashada Galmudug oo booqday iskuulka Bangeelle oo dhawaan caruur ay ku geeriyoodeen

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka waxbarashada Galmudug oo booqday iskuulka Bangeelle oo dhawaan caruur ay ku geeriyoodeen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka waxbarashada dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore oo socdaalka ku maraya qaar ka mid ah deegaanada Galmudug ee gobolka Galgaduud ayaa waxa uu maanta booqday iskuulka deegaanka Bangeelle oo dhawaan afar caruur ah ay ku geeriyoodeen kadib markii uu ku qarxay gumac ka haray dagaaladii sokeeyay ee dalka ka dhacay

“Waxaan saakay ku jarmaadnay Bangeelle oo dhawaan afar caruur ah oo waxkabarta iskuulka Bangeelle uu Gumac ay garaacayeen ku qarxay,waxaana ujeedka safarka uu ahaa inaan xanuunka iyo tiiraanyada la qeybsanno shacabka Bangeelle gaar ahaan qoyasaskii ay dhibaatadu sida gaarka ah ugaartay.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

“Bangeelle waa goob hadda barwaaqo ah oo xalay ay seymo roob daad-xoor ku reebeen,waxaana banka udhexeeya Xananbuure iyo Bangeelle ku sii marnay geel gelgelin ka celin ah iyo awr sabar yarowday oo dhibida iyo Jidirta kutaal ay dugul madow tahay, sidoo kale lo’ irmaan ah iyo Sumal idaad oo xamil lagu xanibay ayaa wada daaqayay Banka.

Sidoo kale wasiirka waxbarashada Galmudug mudane Maxamed xaashi dhoore ayaa bulshada deegaanka Bangeelle u balan qaaday in kor loo qaadayo wacyigalinta ardyada deegaanka .

“Waxaan bulshada reer Bangeelle si gooni ah ugu ballan qaadnay sameynta wacyigelin iyo talooyin muhiim ah oo ardayda laga siinayo iskuulada Bangeelle iyo guud ahaan Galmudug ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wasiirka waxbarashada Galmudug Mudane Maxamed Xaashi dhoore.

 

 

Tags: Wasiirka waxbarashada Galmudug oo booqday iskuulka Bangeelle oo dhawaan caruur ay ku geeriyoodeen
Previous Post

Guddoomiyaha Golaha wakiilada Koofur galbeed oo lagu soo dhaweeyay Degmada Xudur+Sawirro

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In