Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka waxbarashada Galmudug oo booqday iskuulka Bangeelle oo dhawaan caruur ay ku geeriyoodeen

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
October 25, 2020
in Wararka
0
Wasiirka waxbarashada Galmudug oo booqday iskuulka Bangeelle oo dhawaan caruur ay ku geeriyoodeen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka waxbarashada dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore oo socdaalka ku maraya qaar ka mid ah deegaanada Galmudug ee gobolka Galgaduud ayaa waxa uu maanta booqday iskuulka deegaanka Bangeelle oo dhawaan afar caruur ah ay ku geeriyoodeen kadib markii uu ku qarxay gumac ka haray dagaaladii sokeeyay ee dalka ka dhacay

“Waxaan saakay ku jarmaadnay Bangeelle oo dhawaan afar caruur ah oo waxkabarta iskuulka Bangeelle uu Gumac ay garaacayeen ku qarxay,waxaana ujeedka safarka uu ahaa inaan xanuunka iyo tiiraanyada la qeybsanno shacabka Bangeelle gaar ahaan qoyasaskii ay dhibaatadu sida gaarka ah ugaartay.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

“Bangeelle waa goob hadda barwaaqo ah oo xalay ay seymo roob daad-xoor ku reebeen,waxaana banka udhexeeya Xananbuure iyo Bangeelle ku sii marnay geel gelgelin ka celin ah iyo awr sabar yarowday oo dhibida iyo Jidirta kutaal ay dugul madow tahay, sidoo kale lo’ irmaan ah iyo Sumal idaad oo xamil lagu xanibay ayaa wada daaqayay Banka.

Sidoo kale wasiirka waxbarashada Galmudug mudane Maxamed xaashi dhoore ayaa bulshada deegaanka Bangeelle u balan qaaday in kor loo qaadayo wacyigalinta ardyada deegaanka .

“Waxaan bulshada reer Bangeelle si gooni ah ugu ballan qaadnay sameynta wacyigelin iyo talooyin muhiim ah oo ardayda laga siinayo iskuulada Bangeelle iyo guud ahaan Galmudug ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wasiirka waxbarashada Galmudug Mudane Maxamed Xaashi dhoore.

 

 

Tags: Wasiirka waxbarashada Galmudug oo booqday iskuulka Bangeelle oo dhawaan caruur ay ku geeriyoodeen
Previous Post

Guddoomiyaha Golaha wakiilada Koofur galbeed oo lagu soo dhaweeyay Degmada Xudur+Sawirro

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In